Maayarka Laascaanood Oo Xadhiga Ka Jaray Shan Mashruuc Oo DH Hirgelisay

0
717

Laascaanood (HP): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa maanta xadhiga ka jaray shan mashruuc oo horumarineed oo ay dawladda hoose ka horgelisay magaaladaasi.
Mashaariicdaasi ayaa kala ahaa
saddex Waddo oo laami ah oo ay dawladda hoose ka hirgelisay magaaladaasi.
Waddooyinkaasi oo ay maalgisay dawladda hoose ee Laascaanood ayaa qaarkoodna ay cusub yihiin, halka qaar kalena ay dayactir iyo dib u habayn ku samaysay.


Iyo sidoo kale xaruntii Gawraca xoolaha ama Kaawaanka magaaladda Laascaanood iyo xarunta dhiraynta magaaladaasi.
Mashaariicdaasi kala duwan ee maanta xadhiga kaga jaray ayaa laga maalgeliyay mashruuca JPLG ga ee isku xidhka dawladaha hoose, sida uu sheegay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale.


maayarka Laascoonaad
Maayarku waxa kaloo uu sheegay in shantan mashruuc waxay ka mid yihiin mashaariicda horumarinta ee golaha deegaanka Laascaanood ay ku sii sagootinayaan bulshadda magaaladaasi.

DAAWO:WARKAASI:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY