Maayarka Laascaanood Oo Soo Xidhay Tartan Ciyaareed Kubbadda Cagta ah+ Sawirro

0
451

Laascaanood (HP): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed, ayaa ka qayb galay munaasibad loo sameeyay xidhitaanka tartan ciyaareed Kubbadda cagta oo muddo ka socday magaaladaasi.

Tartankaasi oo muddo ka socday garroonka Kubbadda cagta Cabid Bille Cabdi, waxaa ka qayb qaadanayay kooxaha Kubbadda Cagta goobaha waxbarashadda Sare ee magaaladda Laascaanood.

Tartankaasi oo xiiso badan lahaa mudadii uu socday waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland gaar ahaana maamulka wasaaradda ee  gobolka Sool.

Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo ciyaartii xidhitaanka tartankaasi ka qayb galay ayaa ku tilmaamay tartamadda noocan ah  in ay qayb ka yihiin mashquulinta dhalinyarada si ay u helaan tartamo joogto ah.

C/casiis  Taarwale, oo hadal ka jeediyay munaasibadii xidhitaanka ayaa ku hanbalyeeyay  kooxdii  ku guulaysatay tartankaasi oo ahayd Jaamacadda Nugaal iyo sidoo kale kooxdii Kaalinta 2aad gashay ee Gate way, oo uu maayarku ku amaanay in ay  soo bandhigeen  ciyaar  qurux badan.

Waxaanu yidhi, “Waxaan ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu soo xidhayay Tartanka Kubbadda Cagta goobaha waxbarashadda Sare ee magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ugu horayn waan hambalyaynayaa Kooxdii  ku guulaysatay tartanka, ee Jaamacadda Nugaal iyo kooxda Kaalinta 2aad gashay ee Gate way, oo runtii soo bandhigtay  ciyaar  qurux badan”.

Geesta kale maayarka Laascaanood ayaa ku bogaadiyay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha qabashadda tartankaasi.

“Dhankooda waxaan hambalyaynayaa wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee  gobolka Sool oo si wayn u soo abaabushay tartankan xiisaha badnaa.

Markasta na qayb ka ah mashquulinta dhalinyarada si ay u helaan tartamo joogto ah” ayuu yidhi maayarka Laascaanood C/casiis Taarwale.

Gebagebadii tartankaasi ayaa maayarka Laascaanood oo ay wehelinayeen masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool waxay billaddo iyo abaal-marino guddoonsiiyeen kooxdii ku guulaysatay tartankaasi iyo kooxdii kaalinta labaad soo gashay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here