Maayarka Laascaanood Oo Soo Saaray Awaamiir Cusub

0
899

Laascaanood (Hargeisa Press): Maayarka magaaladda Laascaanood ayaa shaaciyay qorsheyaal cusub oo dawladda hoose iyo gfolaha deegaanku ku soo rogeen magaaladaasi.
Qorsheyaashaasi waxaa ka mid ah isbedel lagu sameeyay qaabkii hore ee ay gawaadhidu u mari joreen waddooyinka magaaladaasi.
Si loo yareeyo saxmadda iyo cidhiidhiga wadooyinka, iyadoo qorsheyaashaasi ay hirgeli doonaan Sabtidda todobaadka soo socda.
Sida uu shaaciyay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.
Maayarka ayaa ugu baaqay dadweynaha Laascaanood in ay amarkaa dhaqan geliyaan.


Geesta kale maayarka Laascaanood waxa uu ka hadlay arrimaha dhinaca nadaafada magaaladda in laga wada shaqeeyo, maadama uu weli dalka ka jiro xanuunka Corona.

Daawo: Maayarka Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here