Maayarka Laascaanood Oo Baaq U Diray Bulshadda Magaaladaasi

0
534

Laascaanood (HP): Maayarka magaaladda Laascaanood ayaa ugu baaqay bulshadda gobolka Sool in ay ka faa’iidaystaan shaqaalaha loo qaadanayo xarunta Dab-demis ee laga dhisayo magaaladda Laascaanood.

C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa sheegay in ay xarunta dawladda hoose ee Laascaanood ka socoto qabashadda codsiyadda iyo CV-yadda shaqaalaha loo qaadanayo Dab-demiska Laascaanood.

Maayarka Laascaanood oo manta warbaahinta la hadlay waxa uu tilmaamay in shaqooyinka loo qaadanayo Dab-demiska Laascaanood ay tahay mid ay ugu adeegi doonaan bulshadda magaaladaasi.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaa saaka halkan dawladda hoose ee Laascanood ka socda, oo aan bulshadda baaq ugu dirayaa in ay ka faa’iidaystaan dadweynaha ku nool magaaladda Laascaanood.

Waxaa la qabanaa oo diiwaangelintu ay socotaa shaqaalaha cusub ee loo qaadanayo ciidanka Dab-demiska magaaladda Laascaanood.

Is-qorista iyo xeraynta CV-yadu way socotaa. Labadda gelinba waa la shaqaynayaa. Xarunta dawladda hoose ee Laascaanood ayaana la iska diiwaangelinayaa”.

Maayarka ayaa fariintiisa u diray guud ahaanba bulshadda gobolka Sool gaar ahaana dhalinyaradda buuxin kara shuruudaha shaqo ee looga baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan fursadaasi shaqo.

“Guud ahaan dhaliyaradda gobolka Sool gaar ahaana Laascaanood, waxaan ugu baaqayaa fursadaa shaqo abuurka ah in ay ka fa’iidaystaan. Si ay magaaladoodda Laascaanood adeega Dab-demiska ugu qabtaan” ayuu yidhi C/casiis Taarwale.

Geesta kale C/casiis Taarwale, waxa uu sheegay in dhawaan xadhiga laga jari doono dhismaha xarunta loo dhisay Dab-demiska Laascaanood.

Waxaanu yidhi, “Iyadoo dhawaana xadhiga aan ka jari doono xarun weyn oo uu yeelanayo Dab-demiska magaaladda Laascaanood”.

Dhinaca kale xarunta guud ee Dab-demiska Somaliland ee magaaladda Hargaysa ayaa dhawaan shaacisay shaqaale loo qaadanayo magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo oo dhawaan la dhamaystirayo xarumo Dab-demis oo laga dhisayo.

Waxaana baahinta shaqaalahaasi la doonayo lagu xulanayaa shuruudo kala duwan oo u dejisan dab-demiska Somaliland, sida in uu qofku yahay mid caafimaad qaba jid ahaan iyo maskax ahaanba iyo shuruudo kale.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY