Maayarka Hargeysa Oo Dhagax Dhigay Garoonka Degmadda Macalin Haaruun Ee Bariga Hargeysa + SAWIRRO

0
932

maayirka oo dhax dhigayHargeysa,(HargeisaPress) —Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee Degmadda Macalin Haaruun ee xaafadda New Hargeysa.

Garoonkan cusub oo ah mid balaadhan kuna yaalla  bariga magaaladda Hargeysa ayaa ay mushaharkooddii iyo gunooyinkooddii ugu deeqeen Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, Xildhibaan Maxamed Warsame Caalami Timacadde iyo Xildhibaan Xasan Shahar, kuwaas oo sheegay inay gunooyinkoodda ugu deeqeen sidii loo dhisi lahaa garoonkaasi.

 

Sidoo kale, Nuur Muuse Shiraaqle oo ka mid ah ganacsatada xaafadan ayaa ugu deeqay Garoonkan kun dollar, halka Cabdi Mataan Xirsi oo ka mid ah odayaasha xaafadda uu isaguna ugu deeqay shan boqol oo dollar.

maayirka oo dhax dhigay 3

Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa,isla markaana sheegay inuu degan yahay xaafadan, ayaa ku yaboohay in saddex boqol oo dollar oo gunaddiis ah inuu ugu deeqay dhismahan garoonkan, waxaanu dadka xaafaddan ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismaha garoonkan.

Xildhibaan Maxamed Warsame Caalim (Timacadde) ayaa reer Macalin Haaruun ugu baaqay in sida xaafadaha kale u dhisanayaan garoomadda u dhistaan, isla markaana maanta laga bilaabo ay sugayaan xadka garoonkan si aan loogu soo Durkin.

maayirka oo dhax dhigay2

“dad badan ayaa lahaa garoonkii waa la iibsaday iyo si kale loo isticmaalyaa waxaan leeyahay waakaa saaka la dhagax dhigay, waxaana loo baahan yahay in dadweynuhuna ka qaybqaataan dhismaha garoonkan oo ah mid aad u balaadhan, waxaana ugu deeqayaa saddexda boqol ee gunaddayda ah maadaama oo aanan anagu wax mushahar ah ka qaadan dawladda hoose”ayuuu yidhi Xildhibaan Timacadde.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay inay ka dawlad hoose ahaan qaybtoodda dhisi doonaan, isla markaana uu isna shan boqol oo dollar oo jeebkiisa ah ugu deeqayo garoonkan.

“Dhulkan aanu ugu tallogalay in aanu ka dhigno garoon ay yeelato Macalin Haaruun, waxaanu u ballanqaadayaan in aanu dhisno, isla markana qaybta u badan ka qaadano, waxaana mushaharkayga ugu deeqay dhismaha garoonka shan boqol oo dollar, waxaana dadweynaha xaafadana leenahay waa inaad ka qaybqaadaan dhismaha garoonkan weyn oo aanu sugnay dhulkiisa, waadiga arkaya in lagu soo durkay waxaana ku tallo jirnaa in sida ugu dhakhsiyaha badan u dhisno garoonkan”ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko.

 

Sidoo kale, Maayarku waxa uu soo kormeeray wadadda isku xidhaysa Xaafadda Daami iyo Goljano oo dhismaheedu socdo, taas oo gabogabo ku dhow, waxaanay dadweynihii xaafadahaasi maayarka uga mahad naqeen wadadan laamidda ah ee loo sameeyey.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here