Maayarka Hargeysa oo Ku Baaqay Olole Nadaafadeed

0
757

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maayarka caasimadda Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge,  ayaa ugu baaqay dhamaanba dadweynaha kala duwan ee  ku nool caasimadda in ay kala qayb qaataan olole nadaafadeed oo Khamiista todobaadkan la fulin doono.

Cabdikariin Axmed Mooge, waxa uu sheegay in ololahaasi uu si buuxda uga dhici doono dhamaanba sideedda degmo ee ay ka kooban tahay caasimadda Hargaysa.

Maayarka, ayaa aololahaasi nadaafadeed ku tilmaamay mid lagu nadiifinayo caasimadda, isla markaana uu noqon doono mid joogto ah oo la qaban doono dabayaaqadda bil kastoo dhamaanaysa.

Maayar Mooge, oo galabta shir jaraa’id  qabtay ayaa ugu baaqaynaa dhamaanba dadweynaha ku nool caasimadda Hargaysa, oo ay ku jiraan ururradda bulshadda rayidka ah.

Dhamaan laamaha dawladda, shirkadaha, ganacsatadda, dugsiyadda iyo Wershadaha soo saarra biyaha ee  ku yaalla magaaladda Hargaysa in ay ololahaasi kala soo qayb qaataan.

Waxaanu ugu baaqay in ay si dhamaystiran noogala qayb qaataan ololaha ololahaasi weyn ee  ka dhacaya caasimadda Hargaysa.

Isagoona xusay in loo baahan yahay in Hargaysa ay noqoto caasimad nadiif ah, waxaanay u baahan tahay in gacmaha la isku qabsado

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here