Maayarka Gabiley Shan Sano Oo Uu Xilka Hayey Maanta Ayuu Ina Yidhi Waxbarashada iyo Ardeyda Ayaanu La Kulaney Laakiin Waxba Kamuu Qaban inta Ay Fasalada ku fadhistaan?

0
1172

GABILEY—Waxeynu Wada ognhey Tan iyo Intii Ka Dambeysay Mudadii lasoo Doortey oo Toban Sanno hadda ku Dhaw in Maalin kasta laga maqlayay Golaha Deegaanka Arimo dhexdooda ah, iyo khilaaf u dhexeeyay oo marar badan ahaa kaas,oo ay inta baddana Warbaahinta inakula wadaageen Dhaliilahooda iyo Heshiisyadooda gaagaaban ee aan joogsi laheyn laakiin  aan khuseyn Danta Guud iyo Arimaha Bulshada ee loo soo Doortey.

Marka aynu usoo Noqono Maalmahan u Dambeeyay, iyo Waxyaabaha ay usoo bandhigayaan Bulshada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,gaar ahaana Maayarka oo hadda Xilka Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley hayey muddo Shan Sanadood ah Waxaa beryahan ka muuqdey, mawduucyo baddan oo kadaba geyn ah islamarkaana,qaarkood aad moodo in Maayaradu iskaga dayanayaan laakiin haddaan Tusaale usoo qaato qoddobka ugu muhiimsan oo ah Ardeyda Dugsiyada Magaalada Gabiley, oo Toddobaadkan Maayarku Macalimiinta ka dalbadey, in la isugu keeno hoolka D/hoose ee Magaalada Gabiley si dadka loo Tuso in Ardeydii loo yeedhay, loona yidhaahdo maamulka ayay Su,aalo Weydiiyeen, maba Xuma oo ha Weydiiyaane Waxaan halkaa uga mahad celinayaa Macalimiinta oo dhamaantood Sheegay in Kulankaasi ahaa kii u Horeeyay ee Noociisa ah ee D/hoose iyo Maamulku Ardeyda la kulmaan Su,aasha isweydiinta lihi waxey tahey Dhibaatooyin baddan ayaa ka jirra Dugsiyada Dawlladu Leedahay ee Gobolka Gabiley maadaama ay Ardeyda Dugsiyada Hoose Dhexe ee Gabiley yihiin Kuwa ugu baddan Dalka oo dhan muxuu Maamulku ka Qabtey Dhibaatooyinkaasi haddaan, Tusaale kooban usoo qaato Tiradda ay ku fadhiistaan Fasaladu kama yara fasal kastaaba 80 (Sideetan) Ardey cidhiidhiga ay isku hayaan waxey Mushkilad ku tahey Waxbarashadooda iyo Macalinka Wax u dhigaya labadaba Miyaanu kulankoodu aheyn ‘Dhalanteedka Beenta ah Bulshadaa u Dhaawacan’.

Waxaan aaminsanahay inaanay Jirrin habayaraatee Dakhliga Cashuuraha uga Soo xerooda Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Bil Walba marka loo eego Degmooyin Baddan oo kaalinta (A) ah kujira ayay ka dakhli badan tahey, Wax habayaraatee lagaga qabtey Arimaha Bulshada Aasaasiga u ah oo ay ugu muhiimsan yihiin inaaney habayaraatee Hal Fasal ku kordhinin Tirooyinkaa Ardeyda ah ee aan kor kusoo xusey, Waxaa lamid ah Cusbitaalada iyo goob kasta Dugsiga Hoose/dhexe ee Sheekh Muxumed Warsame Waxaa Dhigta ardey aan ka yareyn Tirro 3000 kun ah oo laga dareemo marka Nususaacaha la fasaxo iyo marka 12ka qadada loo Sii daayo, dariiqyada ayaa Xidhma.

Gabagabadii Waxaan Leeyahey Maayar Shanta Sanno ee aad Xilka haysay Waxba kumaad Soo kordhin Xaqiiqdii lagaa Rabey Dugsiyada Dawllada iyo Cusbitaalada Gabiley laakiin Waxaynaan Garanayn Golaha idinka Dambeeyaa in ay kaalintaa Buuxin Doonaan iyo inkale, Arimahan aad Beryahan Dambe Waddaana Waa Ciyigii Waa ka baryay oo ah Dhalanteedka Beenta ah Bulshadaa u Dhaawacan.

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339  

LEAVE A REPLY