Widh-widh (HP): Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay degmadda Widh-widh.
Waxaana soo dhawaynta maayarka si weyn uga qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda degmadda Widh-widh, oo aan u kala hadhin aoo dhawaynta maayarka.
Maayar Khadiija, waxaa safarkaasi ku wehelinayay xoghayaha dawladda hoose ee Buuhoodle, iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Buuhoodle.
Iyadoo maayarku muddooyinkan ba hawlo shaqo u joogta caasimadda Hargaysa ayay maantadib ugu laabatay degmadda Widh-widh oo xarun u ah golaha deegaanka Buuhoodle oo ay si ku meel gaadh ah ugu shaqeeyaan.
Geesta kale maayar Khadiija Axmed Aadan, ayaa bulshadda degmadda Widh-widh uga mahad celisay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.
Waxaanay maayar Khadiija balan qaaday in ay sii xoojin doonto hawlaha waxqabadka iyo mashaariicda horumarka ah.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.