Maayarka Buuhoodle Oo Dhagax Dhigtay Dugsi Laga Hirgelinayo Qorilugud

0
493

Qorilugud (HP): Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, ayaa maanta magaaladda Qorilugud ka dhagax dhigtay dugsi waxbarasho oo lagu kordhinayo dugsiga magaaladaasi.
Dhagax dhiga dugsigan ayaa ka danbaysay kadib markii ay maayarka Buuhoodle hore u balan qaaday in ay dugsiga Qorilugud ku kordhin doonto laba fasal, xili ay dhawr bilood ka hor kormeer ku maraysay deegaankaasi.
Qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan degmadda Qorilugud ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhagax dhiga labadan fasal ee loogu kordhinayo dugsiga hoose dhexe ee degmadaasi.

Waxaanay sheegeen in dugsiga degmadaasi uu aad u buuxay, iyadoo xataa ay ardaydu banaanka wax ku baranayeen, hase yeeshee ay imika ardaydu dhibaatadii ay qabeen kaga raysanayaan.
Dadweynaha Qorilugud ayaa dhagax dhiga dugsigaasi uga mahad celiyay maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, oo ay ku amaaneen in ay waxqabad balaadhan ka fulisay deegaamadda Buuhoodle hoos yimaadda.

Hargeisa Press.com/Hargesa Office.

LEAVE A REPLY