Maayarka Burco Oo Wasiirka Waxbarashadda Ku Wareejiyay Saddex Dugsi iyo Baabuur

0
686

Burco (Hargeisa Press): Dawladda hoose ee magaaladda Burco ayaa wasiirka waxbarashadda Somaliland ku wareejiyay saddex dugsi oo ay dhiseen iyo hal baabuur oo loogu tallo galay maamulka waxbarashadda gobolka Togdheer.

Waxaana wasiirka waxbarashadda Cismaan Jaamac Aadan, dugsiyadaas iyo baabuurkaba ku wareejiyay maayarka Burco Yuusuf Muraad iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Burco Maxamed Sheekh Cismaan Nuur.

Wasiirka waxaa munaasibadaasi ku wehelinayay guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax.

Wasiirka waxbarashadda iyo Sayniska Cismaan Jaamac Aadan, oo halkaas ka hadlay ayaa uga mahad celiyay dawladda hoose ee Burco saddex dugsi ee ay dhiseen iyo baabuurka ay ku wareejiyeenba.

Waxaanu tilmaamay wasiirku in dugsiyadaasi ay waxtar weyn u yihiin wasaaradda waxbarashadda, isla markaana ay dad baahi u qabay u dhiseen dugsiyadani.

Geesta kale maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa sheegay in saddexdan dugsi ay ka dhiseen xaafado ay degan yihiin dadka barakaceyaasha oo qaarkood ay ku yaalaan meel ka fog magaaladda Burco.

Waxaanu tilmaamay in ka dawlad hoose ahaan iyagoo waajibaadkoodda gudanaya ay garteen in la daboolo baahidda ay dadka xaafadahaas  degani u qabaan in dugsiyo loo dhiso.

Halkan ka Daawo Hadaladii Wasiira, Maayarka Burco, Xoghayaha Fulinta iyo Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here