Maayarka Boorama Oo Tababar U Soo Xidhay Midawga Ururadda Arrimaha Bulshadda

0
306

Boorama (Hargeisa Press): Maayarka magaaladda Boorama Maxamed Axmed Warsame, ayaa maanta tababar u soo xidhay midawga ururadda ka shaqeeya arrimaha bulshadda ee gobolka Awdal.

Tababarkaasi oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qayb qaadanayay xubno ka kala socday midawga ururadda ka shaqeeya arrimaha bulshadda, waxaana tababarkaasi soo qaban qaabisay dawladda hoose ee Boorama.

Waxaanu tababarkaasi ku saabsanaa sidii loo dhisi lahaa doorka ay midawga ururadda bulshadu ku dhex leeyihiin dadweynaha iyo wacyigelinta hawlaha horumarka.

Labadda qodob ee ugu muhiimsanaa ee ay ku qaateen ka qayb galeyaashu mudadii uu tababarkaasi uu socday waxay ahaayeen sidee baa loo dhisaa dadku in ay midoobaan, iyo doorka ay ururadda arrimaha bulshadda ka shaqeeyaa dadweynaha ku dhex leeyihiin.

Sida uu sheegay maayarka magaaladda Boorama Maxamed Axmed Warsame, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka tababarkaasi, isagoona u jeediyay ka qayb galeyaasha dar-daaran ku aadan muhiimadda uu leeyahay is-kaashigu.

Waxaanu sheegay maayarku in ay rejaynayaan ka dawlad hoose ahaan in sidii markii hore ay dawladda hoose ee Boorama ahaan jirtay in ay noqoto si ka duwan, isla markaana taasi aanay keligood dawlad hoose ahaan samayn karin.

Sidaas darteedna dariiqqa keliya ee lagu gaadhi gaadhi karro waxyaabaha horumarka ah ee  la hiigsanayo si loo gaadho in loo baahan nahay sidii looga shaqayn lahaa midnimadda ummadda, iyo wax wada qabsigeedda.

 

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here