Maayar Mooge Oo Raali Gelin Siiyay Tagsiileyaasha Hargaysa

0
459

Hargaysa (HP): Maayarka Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, ayaa raali gelin ka siiyay derawaladda baabuurta tagaasidda ee caasimadda ka dhex shaqaysta ololihii cashuur ururinta ee shalay ay dawladda hoose ku qaaday baabuurtaasi.
Tallaabadaasi oo sababtay in shalay kumanaan baabuurta Tagsidda ah in ay meello ku ururisay dawladda hoose ee Hargaysa, kuwaasoo loo haystay in ay bixin waayeen cashuur sanadeedka ku baaqatay, taasoo ay cabasho weyn ka muujiyeen derawaladda baabuurta Tagaasidu.
C/kariin Axmed Mooge, ayaa qirtay inuu khalad ahaa ololahaasi ay shalay Tagaasidda caasimadda ku qaadeen, isla markaana lagu qaaday derawaladda tagaasidda iyadoo aan wax ogaysiis ah la siinin.
Waxaanu maayarku derawaladda Tagaasidda ka raali geliyay ololahaasi cashuur ururinta ee lagu qaaday iyadoo aan la sii ogaysiinin, isla markaana aanay dawlad hoose ahaan ka xishoonaynin in ay qirtaan in ololahaasi uu ku bilaabmay ogaysiis la’aan.
Ololahan cashuur ururinta ayay u jeedadiisu tahay in ay Tagsiileyaashu ku bixiyaan cashuurta sanad laha ah ee Shaanbadda daaqadda Tagsiga lagaga dhufto, lacagtaasi oo cadadkeedu dhan yahay 180,000 shillin sanadkoo dhan ah.

C/kariin Axmed Mooge, oo maanta warbaahinta la hadlay waxa kaloo uu sheegay in kadib shir ay maanta isugu yimaadeen guddiga fulinta dawladda hoose ee Hargaysa, in ay go’aansadeen in tallaabadaasi raali gelin ay bixiyaan, isla markaana maalmo ogaysiis ahna la siiyo derawladda Tagaasidda.
Iyadoona la farray Tagsiilaydda Hargaysa in ay baabuurtoodda ku cashuurtaan muddo 4 maalmood ah oo ka bilaabmaysa maanta in laga rabo Tagsiileyaasha in ay ku soo bixiyaan cashuurtii ku waajibtay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY