Maareeyaha Dekadaha Somaliland Oo Ka Hadlay Maraakiib Lacago Lagu Soo Rogay

0
1059

Berbera (Hargeisa Press.com): Maareeyaha dekadaha Somaliland ayaa ka hadlay cabasho maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhaysay qaar ka mida ganacsatadda iyo mulkiileyaasha maraakiibta dekadda Berbera ku soo xidha.

Cabashadaasi oo ka dhalatay iyadoo ganacsatadda iyo maraakiibtu ay ka cabanayeen lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay. Taasoo dhalisay khilaaf u dhexeeyay maamulka dekadda iyo ganacsatadda.

Waxaana jirtay in wararka soo baxay qaarkood ay sheegayeen in maraakiib badan oo ku soo xidhan lahaa dekadda Berbera ay isaga leexdeen.

Hase yeeshee maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, oo maanta gelinkii danbe warbaainta kula hadlay Berbera ayaa sheegay in lacagta dheeraadka ah lagu soo rogay maraakiibta sita Hubka.

Balse aanay jirin wax lacag canshuura oo lagu kordhiyay maraakiibta dekadda Berbera ku soo xidha, isla markaana si loo ilaaliyo amaanka xeebaha Somaliland in maraakiibta sita Hubka ay ciidamadda Badda Somaliland ka qaadayaan hubka.

Maareeyaha oo sharaxaad ka bixinayay heshiiska ay la gaadheen ganacsatadda iyo mulkiileyaasha maraakiibta waxa uu yidhi   “Waxaan u mahad celinayaa shirkadaha iyo mulkiileyaasha maraakiibta oo maalmahan uu wada hadal noo socday iyo adeeg cusub oo lagu soo kordhiyay dekadda aanu isku haynay qiimaha laga qaadayo. Waxaanan arrintaasi ka gaadhnay heshiis dhab ah.

Mar koowaad aad baan ugu mahad celinayaa dhamaanba isticmaala dekadda Berbera oo ah dadka ugu muhiimsan ee aanu u qabano adeega, waanan soo dhawaynayaa. Waanay aqbaleen in ay bixiyaan lacagtii”.

Maareeyaha dekadaha Somaliland ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in lacagaha lagu soo rogay maraakiibta qaarkood ay sababtay in maraakiib ku soo xidhan lahaa dekadda Berbera ay isaga leexdeen.

Waxaanu sheegay in lacagtaasi lagu soo rogay maraakiibta Hubka la soo gala xeebaha Somaliland oo keliya, balse aan Markab kasta laga qaadaynin.

“Dad qaar ayaa lahaa Markab kasta iyo Doon kastaba lacag ayaa laga qaadayaa. Taasi ma jirto.

Waxaa lacagta dheeraadka ah laga qaadayaa maraakiibta Hubka la soo gasha Badda aynu leenahay, ee jamhuuriaydda Somaliland ka taliso.

Ciidanka ilaaladda xeebaha ayaa fuulaya, kadib-na ka tirinaya Hubka ay sitaan. Maadaama maraakiibta qaarkood ay Hub badan sitaan, oo ay ugu tallo galeen in marka ay Baddeena ka baxaan in ay Budh-cad Baddeeda isaga difaacaan”.

Geesta kale maareeyaha oo hadalka sii watay ayaa tilmaamay in aanay waxba ka jirin wararka maalmahan la isla dhexmarayay ee sheegaya in maraakiib ku soo xidhan lahaa dekadda Berbera ay isaga leexdeen, kadib markii ay ogaadeen in lacago dheeraadda lagu soo rogay.

Waxaanu sheegay in wixii khilaaf ahaa ee jiray ay heshiis ka gaadheen maamulka dekadda iyo ganacsatadda maraakiibta leh, isla markaana aanay hadda jirin wax maraakiiba oo khilaafkaasi u xaniban.

Siciid Cabdilaahi, oo arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhi  “Lacagtaasi la soo rogay, waxay qabanaysaa ama laga qaadayaa maraakiibta Hubka sita oo keliya. Ma qabanayso lagamana qaado kuwa aan Hubka sidan.

Beryahan-ba waan ku arkayay baraha Internet-ka iyadoo la leeyahay maraakiibtii ayaa dekadda Berbera ka tagtay, oo lacagahaas lagu soo rogay isaga carraray.

Arrintaasi waxba kama jiraan. anaga iyo ganacsatadii waanu ka heshiinay arrinkaasi, markabkii u danbeeyay-na waanu ku soo xidhnay dekadda. Maanta-na heshiis buuxa ayanau ka gaadhnay wixii khilaaf ahaa ee jiray”.

“Haddii aynaan Baddeena ilaalin, oo aanay ciidankeenu ilaalin, waxba inoo hagaagi maayaan.

Ciidanka ilaaladda xeebaha aad ayaan ugu mahad naqayaa”ayuu yidhi maareeyaha dekadaha Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY