MAANSADAN WAXAA LA YIDHAA BAXNAANO WAXAAN CURIYAY 2014 BAL ILA ARKA WAXAANAY KU BILAABANTAY QALINKA: AXMED CISMAN BATUUN

0
945
Axmed Cisman Batuun

Waxaan Bidhayaa Su,Aal

Jawaabbaan Baadhayaa

Anoo Bayd Gaab Ahbaan

Baraarujin Fidinayaa

Waxaan Isku Beegayaa

Baxnaaniyo Waa Bukaan

Inatay Igu Baaqanlayd

Ha Baahdo Odhaahdu Oo

Dabayshu Ha Buufisee

Tiiyoo Buurbuuranoo

Bidhiiq Iyo Wada Jajaba

Bineeyaye Waxan Ku Idhi

Jacaylkii Yaa Bahdilay

Kumaa Bi,Iyoo Kharibay

Hadmuu Booshaaqmayoo

Intuu Booraan Ku Dhacay

Sidii Loo Shiilay Beer

Goormay Boholyawga Ruux

Ka Jara Baadkiyo Cuntada

Intay Badaleen Lodkani

Haasaawe Bilaashku Yimid

Hadmuu Dhaqankii Burburay

Hiduhu Boog Yeeshayoo

Runtiina La Baalmariyo

Wanaag Lagu Baano Iyo

Bogaadin Wxii Lahaa

Xagee Loo Baratamoo

Maxay Dadku Beegsadeen

Bidhaanta Horteena Taal

Bulshada Ma Kafaynaysaa

Hadaanse Ka Baydho Taa

Kumaa Tabay Baylah Maqan

Bilaale Ayaa Dhaqdhaqay

Wax Buurani Haba Hadhee

Intuu Bishlay Aayatiin

Kumaa Firi Beeray Wali

Su,Aaluhu Waa Badoo

Tixdaan Badhax Uga Dhigee

Dhan Kale Aan Saaro Bayd

Dhaliil Badataan Arkoo

Wax Badan Maydaan Dhugane

Hadraawi Intuu Ku Baray

Miyaydaan Bogan Dadyohow

Gaarriye Buugaagtu Qoray

Badwayntiyo Maansadii

Miyaad Erey Kala Baxdeen

Intuu Ganay Baaqay Ee

Gadhliyo Qays Kugu Burqaday

Boon Iyo Kayd Iyo Cashuur

Bahdii Culimada Fankiyo

Baashiyo Dhoodaanka Wayn

Intii Hal Abuur Bilnaa

Buruud Iyo Magac Lahaa

Ilaa Kuwa Beegsadee

Intay Ku Yihiin Barbarad

Buushiga Firi Moodayiyo

Baraariga Aan Ku Jiro

Miyaydaan Bayd Ka Hayn

Intaad Gabay Bawsateen

Burjiga Lumay Ee Dhintiyo

Bal Eeg Xasan Maxamedoow

Bulshada Waaqlaha Tagtee

Buskana Moodaysa Doog

Intaad Xumo Beerateen

Waliba Baaqbaaqatoo

Barwaaqo Malaysatee

Sun Iyo Boog Qooshatooy

Alaylehe Waad Ba,Deen

Anuunbaa Buuqayoo

Bilaash Weeyaan Xamsoow

Tixdaan Buunbuuniyee

Baadida U Kas Loo Lunshiyo

Muxuu Baadidoon Is Tari

Hadaan Bogcad Kale Furfuro

Barbaarta Tahriibaysee

Ka Tagay Burco Iyo Berbera

Hargaysda Baylahdee

Haldeeqoow Waa Beryaba

Baroortu Ka Yeedhaysiyo

Boorama Oon Ruux Ku Hadhin

Bahdii Sool Taalay Iyo

Ilaa Babacii Sanaag

Bariga Ilamaa Galbeed

Ban Iyo Hawd Oo Dhan Iyo

Ilaa Buuralayda Guban

Ogow Babisaa Heshoo

Busaarad La Sheego Iyo

Colaado Kamay Baxsane

Saluug Ku Balaadhay Iyo

Waxaa Saxariirka Baday

Caalwaaga Ku Baahayoo

Wakaa Baladkii Madhaye

Hadaydaan Baajin Karin

Maxaan Burmadoow Samayn

Qayrkeen Oo Tooda Billay

Inagu Biligtii Dhacdaba

Miyaynu Barooranaa

Walee Tacabkeen Ba,Yoo

Bilaash Weeyaan Tixduye

Baadida U Kas Loo Lunshiyo

Muxuu Baadidoon Is Tari

Haduu Nuurkii Bakhtiyo

Ilayska Xawaasku Ba,O

Xayadu Boodh Yeelatoo

Damiirku Xumaan U Bu,O

Runtana Aad Baal Martaan

Jeclaataan Badilkoo

Baryada Eebaha Nacdaan

Miyaan Ballantii Janada

Balaayo Kasoo Sokayn

Cadaabtuna Buuxsamayn

Rabbigu Haynala Baxsado

Hadaad Ku Bogsoonaysaan

Kun Iyo Boqolaal Horaa

Biimiyo Halis Kuu Galoo

Murtida Kugu Baashiroo

Dantoodu Ku Baylahdee

Anoon Filanaynin Boog

Inuu Dhidh Ka Baajyoo

Buraanburka Aan Wadana

Bulshadu Dhugatoy Fahmaan

Habeenkii Oo Badh Tagay

Badaa,Is Nin Roorayoo

Baqiyo Tabashada Jirtiyo

Burjiga Lumay Eegayoo

Waxaan Ahay Baaqayee

Su,Aaashii Bilawga Hore

Hadii Aan Badiyo Oon

Waliba Kaga Baxo Tixdii

An Kuu Balbalaadhiyee

Bad Iyo Wabi Keed Cabtaan

Bartaad Dagaysaan Hadhaw

Ban Iyo Kayn Waa Midkee

Maxaa Dhari Kuu Bislaa

Baq Iyo Dhay Kee Macaan

Midkee Baraf Iyo Kulayl

Naftaadu U Baahan Tahay

Xagay Barakadu Jirtaa

Burburi Ereyada Burburi

Dheereeyoow Hoos U Baadh

Jidhiidhiyo Budada Eeg

Saleebaan Baashe Mari

Wuxuu Ballankeenu Yahay

Dantoo Loo Baratamiyo

Qabyada In La Baylah Tiro

Anoon Hadalkayga Badin

Baryada An Kusoo Xidhee

Adaa Boqoreee Aloow

Ifkood Na Badhaadhisiyo

Barwaaqiyo Guul Na Sii

Na Baal Mari Halista Oo

Raboow Baladkiyo Dadkaba

Gargaarkaagii Bilnaa

Ku Baahi Dhamaantayoo

Adaan Baahane Macbuud

Aduunku Markuu Burburo

Qiyaamaha Nala Baxsoo

Naxariista Balaadhan Iyo

Nagu Beeg Janadaada Bilan..Aaamiin

 

 

 

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

LEAVE A REPLY