Maamulka Oramada oo Ku Baaqay Dagaal Ka Dhan Ah TPLF

0
1281

Meskel (Hargeisa Press) – Maamulka Oramada, ayaa war ka soo saaray xaalada dagaalada TPLF ee ka socda deegano ka tirsan gobalkada Oramada.

Madaxweynaha Oromia Shemelis Abdisa, ayaa sheegay in ayna fiirsan doonin colaadda dadkiisa ay ku haayan xoogagga Tigrayga.

Shemlis, ayaa sidoo kale xusay in ay dhawaan qaadi doonaan dagaalka ka dhan ah Jabhadda dib u soo laba kacleysay ee TPLF.

“TPLF ma u ogolaan doonno in ay sii waddo xadgudubyada ay ku heyso dadkeena,” ayuu yidhi madaxweynaha maamulka Oromia.

Abdisa, ayaa hadalkan ka sheegay isku soo bax balaadhan oo shalay galinkii dambe ka dhacay Meskel, halkaas oo ay shacabka Oromia ku sheegen in ay ka banaanbaxayaan dagaalka socda.

Madaxweynaha Oromia, ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Kooxda argagaxisada ah ee TPLF waxa ay toogasho ku dishay dhallinyaradii dalka,waxa ay sidoo kale boobeen hantidii dadka”.

Dagaalka TPLF iyo xukuumadda Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa soo laba kacleyay bishii May kadib markii ay jabhadda dib ula wareegtay caasimadda Tigray ee Makelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here