Maamulka iyo Bulshadda Xariirad Oo Fuliyay Olole Nadaafadeed

0
508

Xariirad (HP): Maamulka degmadda Xariirad ee gobolka Selel iyo bulshadda magaaladaasi oo iskaashanaya ayaa maanta fuliyay olole nadaafadeed qashinka lagaga ururinayay magaaladda.

Kaasoo kor loogu qaadayo fayo-dhawrka iyo bilicda magaaladda, isla markaana lagaga hor tegayo xanuunadda dhibaatooyinka ka dhasha qashinka iyo cudurradda faafa.

Waxaanay masuuliyiinta degmadda Xariirad ay halkaasi ka qodeen Godka loogu tallo galay qashin qubka magaaladda, kaasoo ay qoday Cagaf-cagafta dawladda hoose ee degmadda Saylac oo taageerro dhinaca qalabka ah kaga qayb qaatay ololahani nadaafadeed.

Ololahani nadaafadeed waxaa bulshadda Xariirad kala qayb qaatay masuuliyiinta degmadda Xariira, iyo xubno ka mida golaha deegaanka degmadda Saylac.

Sidoo kale waxaa ololahani nadaafeed fulinayay ururka haweenka ee Haboon oo ah ka dhisan magaaladda Xariirad, oo ka shaqeeya arrimaha wacyigelinta arrimaha bulshadda.

Ka sekow masuuliyiinta degmadda Xariirad, oo uu hor kacayay maayar ku-xigeenka degmadaasi Mustafe Cali Dhinbiil, waxaa sidoo kale ololahan nadaafadeed bulshadda Xariirad kala qayb qaatay xubno ka mida golaha deegaanka degmadda Saylac.

Geesta kale qaar ka mida dadweynihii ololahaasi nadaafadeed ka qayb qaadanayay oo dareenkoodda ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay maayarka degmadda Saylac Yuusuf Cawaale Daahir, oo gacan ka siiyay dhinaca qalba ee ololahani lagu fulinayay.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY