Maamulka Golaha Deegaanka Gabiley Oo Abaal-Marin Qiime Leh Ku Dhiirigaliyay Ardeygii Ugu Sareeyay Tartanka Quraanka Kariimka Bisha Ramadaan + SAWIRRO

0
1005

Gabiley,(HargeisaPress)—Munaasibad Balaadhan oo Lagu Soo gabagabeeyay Tartanka Quraanka Kariimka Bisha Barakeysan ee Ramadaan,oo lagu Qabtey Masjid Jaamaca Magaalada Gabiley,ayaa aheyd Munaasibad siweyn usoo jiidatey Guud ahaanba Shacbiga Ku nool Gobolka Gabiley islamarkaana, Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ku muujiyay Doorka uu ku leeyahey Arimaha Bulshada iyo Dhiirigalinta Ardeyda Da,da Yar ee Xifdiga Quraanka Kariimka ku Guuleystay Kaalmaha Koowaad.

Munaasibadan lagu abaal marinayay Ardeydii ku Guulaysatey Tartanka Quraanka Kariimka ee Guud ahaanba Gobolka Gabiley islamarkaana, lagu Qabtey Magaalada Gabiley,oo si heer sare loosoo agaasimay Waxa kasoo Qeyb galey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi,Gudoomiyaha Gobolka Gabiley,Maayarka Degmada Gabiley ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Maxamed Amiin Cumar Cabdi,Gudoomiyayaasha Degmooyinka Tog-Wajaale iyo Arabsiyo,Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Cali Cabdi Cabdilaahi,Culimada Gobolka Gabiley,Maamulayaasha Shirkadaha Oomaar, Dahabshiil,iyo Telesom,Xubno katirsan GolahaDeegaanka,Isuduwayaasha Wasaaradaha ee Gabiley, Madaxdhaqameedka,Ardeyda Degmooyinka,Gabiley,Wajaale,Arabsiyo iyo Degmada Alleybadey,ee ku tartamay Tartanka Quraanka Kariimka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ka hadley Munaasibadaasi Waxa kamid ahaa hadalkiisa.

«Annaga Ka Maamul Gole Deegaan ahaan Baabuurka Aanu Ku Dhiirigalinay Ardeygii ugu Sareeyay Xifdiga Quraanka Kariimka umaanu Bixin in Nalaku Amaano shakhsi gaar ahina Muu bixine ee D/hoose ayaa bixisey oo Cashuurtiinii ayaa laga bixiyay,Waxa loo Bixiyay Sharafta iyo Quruxda Midnimadu leedahay,ayaanu anakuna go,aansaney in aanu ku Dhiirigalino»Ayuu yidhi Maayarka Gabiley.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,oo Munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu dhambaal hambalyo ah u gudbinayo Ardeyda ku Guuleystey Tartanka Xifdiga Quraanka Kariimka «Waxaan Marka hore ku hambalyaynayaa Ardeyda Ku Guuleystey Tartanka Quraanka Kariimka,Waxaanan Marka Labaad Iyagana sigaar ah u hambalyaynayaa Maamulka Gobolka iyo Maamulka Degmada Gabiley ee Golaha Deegaanka sida ay u Mideeyeen,Tartankii Degmooyinka iyo Dugsiyadda Quraanka oo Meel kaliya isugu keeneen, Waxaanan soo jeedin lahaa in lagaga daydo,iyo doorka ay ka geysteenba»Ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi oo isaguna halkaa hadal kooban ka jeediyay,ayaa sheegay in uu ku Faraxsan yahey in Goob kaliya oo Gobolka ah lagu qabto Tartanka,si looga faa,ideysto,wixii abaal marin ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Waxa iyaguna halkaa hadalo ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Gabiley iyo Kuxigeenkiisa,Maxamed Cismaan Xaaji Axmed(Indho-balac),iyo Cali Cabdi Cabdilaahi(Calicase),Gudoomiyayaasha Degmooyinka Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi iyo Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo,Xamse Xuseen,Sheekh Xasan Jaamac,Xildhibaan Axmed Cali Maxamed,Qaar kamid ah Cuqaasha Gobolka,Maamulka Shirkada Telesom,iyo Macalimiinta iyo Waalidiinta Dugsiyada Quraanka Gobolka Gabiley.

Inkastoo,ay tahey Markii u horeysay ee Nooceeda ah oo Tartanka Quraanka Bisha Barakeysan ee Ramadaan loogu Qabto in ka badan Tobaneeyo oo Dugsiyada Quraanka ah Masjid Jaamaca Weyn ee Gobolka Gabiley haddana Waxaa guud ahaanba Shacabka Reer Gabiley si xoog ah usoo jiitey Kaalinta ay Tartankaasi ku Dhiirigaliyeen Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,oo uu Hormuud ugu yahey Maayarka Gabiley iyadoo,Marka la barbar dhigo Golayaasha Deegaanka D/hoose ee Dalkana, ay Noqonayaan Maamulkii u horeeyay ee abaalmarin Nooceeda ah oo Baabuur ah ku Dhiirigaliya Ardeyda Kaalmaha Sare ka gala Tartanka Quraanka talaabadan oo Guud ahaanba Dadweynaha Gobolka Gabiley uga mahad celiyeen Maayarka Gabiley,islamarkaana, ku tilmaameen in ay Qeyb ka tahey dhaqdhaqaaqyadiisa uu Gobolka Gabiley Wakhti xaadirkan kaga dhex muuqdo Guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

LEAVE A REPLY