Maamulka Gobolka Togdheer Oo Baabiiyay Dhul Deegaamaysi Cusub Laga Samaystay

0
759

Duruqsi (HP): Guddiga nabadgeliyadda gobolka iyo maamulka gobolka Togdheer ayaa maanta bur-buriyay dhul deegaamaysi cusub laga sameeyay oo ku yaalla degmadda Duruqsi ee gobolkaasi.

Dhulkan la baabiiyay oo laga sameeyay deegamaysiga cusub ayaa hore ahaa dhul daaqsimeed ay xooluhu daaqaan.

Waxaana hawl-galkaasi  hogaaminayay badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer ahan ku-simaha badhasaabka Maxamed C/laahi Nafaqo, iyo maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad.

Iyadoo ay wehelinayeen isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Togdheer, taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer, taliyaha ciidamadda asluubta ee gobolka Togdheer iyo sidoo kale guddiga nabadgeliyadda gobolka.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here