Maamulka Gobolka Sanaag oo Ka Hadlay Dagaal Shan Qof Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Ceel-afweyn

0
915

Ceerigaabo (Hargeisa Press) – Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa Maanta ka hadlay Dagaal u dhexeeya laba beelood oo Shalay ka dhacay deegaanka Masle oo hoos taga degmada Ceel-afweyn.

Dagaalkan oo sababay dhimashada shan Ruux iyo dhaawaca 9 kale, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ka soo saaray baaq nabadeed, isagoo dhanka kalena digniin u diray Cid kasta oo ka mid ah labada Beelood oo Tallaabo dambe qaadda.

Hargeisa Press.com/Ceerigaabo Office.

LEAVE A REPLY