Maamulka Gobolka Awdal oo War Ka Soo Saaray Iska Hor-imaad Ka Dhacay Boorama

0
2572

Boorama (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa waxaa uu war ka soo saaray iska hor-imaad maanta ka dhacay magaalada Boorama.

Iska hor-imaadkan ayaa duleedka magaalada Boorama ku dhexmaray Ciidamo Booliis ah iyo dad Shacaba.

Waxaana ku dhintay Hal Askari halka Afar Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha gobolka Awdal oo warbaahinta la hadley, ayaa sheegay in koox hubaysani ay rasaas ku fureen ciidamada Booliska.

Tiimbaro, ayaan wax faah-faahin dheeri ah ka bixin iska hor-imaadkan dhexmaray Ciidamada iyo dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY