Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Oo Ka Jawaabay Eedayntii Telefishanka Al-Jazeera

0
1054

“Al-Jazeera waanu u sheegnay in  barnaamijkii baxay qaybtii Dahabshiil ku saabsanayd in ay war khaladda  ahayd  oo aanay sax ahayn”… maamulaha guud ee Dahabshiil Group

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Shirkadda Dahabshiil ayaa beenisay in ay ku lug leeyihiin heshiis xagga dekadaha ah gaar ahaana dekadda Berbera, sida lagu shaaciyay barnaamij laga baahiyay telefishanka Al-jazeera qaybtiisa Af-Carabiga.

C/rashiid Maxamed Siciid, oo ah madaxa shirkadaha Dahabshiil Group oo maanta  idaacadda BBC-da laanteedda Af-Soomaaligu wax ka waydiisay arrintaasi ayaa ku adkaystay in aan waxba laga waydiinin markii ay Al-Jazeera barnaamijkan diyaarinaysay.

Inkastoo telefishanka Al-Jazeera ay barnaamijkaas ku sheegtay in ay dhawr jeer E-maillo u direen madaxda Dahabshiil.  C/rashiid Maxamed Siciid, waxa uu sheegay in Al-Jazeera aanay waxba ka waydiinin markii ay barnaamijkan samaynayeen.

Waxaanu yidhi “Runtii barnaamijkaasi eedayn badan oo anigu xagayga  shirkadda Somtel iyo Dahabshiil ayaan u hadlayaa, eedaymo badan oo xaqiiqdoodii aanay xaqiijinin, oo aanay hubinin waxa laga hadlayo. Waad og tahay oo BBC-du warka ay sii daynayso waa in ay hubisaa, weliba marka barnaamijyo gaara laga hadlaayo waxay noqonaysaa in wakhti la geliyo, cidii ay khusaysay-na in la waydiiyo.

Nasiib darro, Al-Jazeera waa hay’ad warbaahineed oo caalamiya, dad badan oo aduunka ku nool-na ay daawadaan, dad badani ay ixtiraam u hayaan. Anagu runtii haddii aanu nahay Dahabshiil  ama Somtel, marar badan-na TV-gooda aanu ka hadalnay.

Laakiin, doorkan barnaamijkan ay sameeyeen  wax xidhiidh ah nalamay soo samaynin, maadaama aanu anagu xaq u lahayn in eedaymaha ay sheegayaan in ay na waydiiyaan, sida dadka kale-ba loo waydiiyo.

Waxay sheegeen in ay Muqdisho tegeen oo ay dad waraysteen. Waxay sheegeen in ay magaalooyin kale-na ay tegeen. Nasiib darro intaa magaallo ee ay tegayeen-ba Dahabshiil iyo Somtel-ba cid ay kala hadli karayeen way joogeen, maanaan fahmin sababta ay Dahabshiil ula soo xidhiidhi waayeen.”ayuu yidhi maamulaha guud ee Dahabshiil Group.

Su’aal: laakiin, C/rashiid Al-Jazeera waxay leedahay dhawr jeer ayaanu Dahabshiil iimaylo u dirnay, markaa wax jawaab ah ka maanaan helin. Markaa idinku iimayladaas ma hesheen, mas’e ka jawaabteen?

Jawaab: “Dahabshiil mar walba iimayladiisa wuu ku shaqeeyaa. Iimaylo rasmi  (Official) ahna wuu leeyahay, cidii doonaysa in ay Dahabshiil la hadasho, ma waydo Dahabshiil. Dahabshiil dhawr iyo labaatan wadan ayuu ka shaqeeyaa oo caalamka ah.

Nasiib darro, wax xidhiidh ah oo ay Al-Jazeera lana soo sameeyeen ma jirin, haday nala soo sameeyee-na si sax ah ayaanu uga jawaabi lahayn waxyaalaha ay doonayaan in ay na waydiiyaan. Anagu (Dahabshiil) saxaafadda aduunka oo dhan xoriyadoodda iyo shaqadoodda ixtiraam ayaanu u haynaa.  In ay saxaafadu shaqadeedda  qabsata-na ixtiraam ayaanu u haynaa.

Laakiin dee, sida caalamka looga shaqaynayo waad og tahay. BBC-da iyo kuwa la midka ahiba caddaaladda in ay ilaaliyaan, cida ay magacoodda sheegayaan in ay hubiyaan, in ay fursad u siiyaan in ay ka jawaabaan.

Waanan uga mahad celinaynaa taageeradda ay dad badan oo Soomaalida caalamka kala jooga ahi, markii ay maqleen barnaamijkan ay noo soo gudbiyeen ama ay baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka (social media) ama Facebook ay ku qoreen.”

Su’aal: C/rashiid, maxaad u malaynaysaa in Dahabshiil loogu soo daray arrintan dekadaha khusaysa?

Jawaab: “Marka u horaysa, walaalo barnaamijkani dad kaloo  fara badan ayuu ka hadlay. Anaga laftayadu su’aashaasi waa su’aasha aanu jeclaan lahayn in aanu Al-Jazeera waydiino. Waayo? Nalamay soo xidhiidhin barnaamijka markii ay sii daynayee-na nalamay soo xidhiidhin, markii ay samaynayeen ee magaallooyinka Muqdisho ay ka midka tahay ay tegeena, nalamay soo xidhiidhin.

Nasiib daradu waxay tahay, su’aashaasi iyaga (Al-Jazeera) ayay ku haboonayd in ay ka jawaabaan. Xidhiidh ayaanu imika la samaynay, oo qoraal ayaanu madaxdoodda sare u dirnay. Waxaanan ka filaynaa in ay sidii idaacadaha caalamka-ba laga filayay in ay warkoodii saxaan.

Weliba wixii anaga (Dahabshiil) nagu saabsanaa, anigu dad kale u hadli maayo. Dahabshiil ayaan u hadlayaa ama shirkadda kale ee Somtel. In ay wararkaa khaladka ah, ee aan sal iyo raadka lahayn  ay saxaan. Waayo? Warka khaldani ummada ayuu kala fogeeyaa, wadamadda ayuu kala fogeeyaa. Imika-na waxaanu rejaynaynaa in wixii khalad ah ee dhacay ay saxaan.”

Su’aal: Markaa haddii ay Al-Jazeera codsigiinaas aqbali waydo, maxaa idiin qorshaysan?

Jawaab: “Arrintaasi  waxaan ka jawaabi karnaa markay halkaas gaadho. Imika halkaa may gaadhin. Al-Jazeera waanu u sheegnay in  barnaamijkii baxay qaybtii anaga (Dahabshiil) nagu saabsanayd in ay war khaladda  ahayd, in aanay sax ahayn.

Markaa go’aankaa iyaga (Al-Jazeera) ayay u taalaa in ay ka soo jawaab. Markay ka soo jawaabaan ayaanu anagu-na go’aankayaga qaadan doonaynaa. Waxaan se rejaynaynaa kolayba dad ayuun baa wax khalad ah u sheegay, oo aan la hubin, oo ama been ah ama xaasidnimo ku jirto.

Anagu (Dahabshiil) waxaanu u aragnaa in aanu Al-Jazeera is-fahmi karno,  marka  gartayadda aanu u gudbinay ay eegaan, wixii khalad ah-na ay sixi doonaan, haddii ALLE ka dhigo.”

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY