Maamul Goboleedka Puntland oo Sheegtay In Aanay Raali Ka Noqonayn Natiijada Shirka Somaliland iyo Soomaaliya

0
1313

Garoowe (Hargeisa Press) –Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ka hadlay Shirka Somaliland iyo Soomaaliya uga socda Dalka Jabuuti.

Madaxweynah maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay wadahadaladaasi Jabuuti uga socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyni Deni oo oo khudbad ka jeedinayay Furitaanka Kala fadhiga 46aad ee Golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay in aanay Puntland Raalli ka noqonayn natiijo kasta oo ka soo baxda shirka ka socda Jabuuti.

Madaxweyne Deni oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan caddaynaynaa inaan raali ka noqon doonin Natiijo kasta oo kasoo baxda shirka ka socda waddanka jabuuti ee u dhaxeeya Somaliland iyo Dowlada Federalka”

LEAVE A REPLY