Maalintay dhannaantahay Dhulka yaa u halgami jiray yaa reernimadan soo afjari kara (hogaamiye go-aan leh)

0
1820
Aqoonyahan Ahmed-yasin Sheikh Omar

Aduunyadani muqaal ahaan waa kayn quruxbadan oo dalxiiska ku fiican balse ilaahay wuxuu daba dhigay macnihii loo abuuray, garoonkeedu waa banaan iyo buuro dhaadheer , waa habeeno iyo maalmo is daba tuban, waa meel damac iyo diririba wada taal, humaagbaa iskay tusa wuxuu ila galaa sahan dheer oo halgan u baahan waxaan hoos u eegaa halka aan ku suganahay waa laba kala fog, waqtigan la joogana ceebta ina hordhoobani wax lasii daneeyoo la dugsado ka waaweyn bal aan hoos u daadago.

Waxay ahayd 9 habeenimo mobile-kaygiibaa ayaa lasoo garaacay hees duco iyo guubaabo ah ayaa kusoo dhacay dareenkaygu waqtigaas waa furan yahay jawiguna waa mid aad u dagan ubadkaygii ayaa ihorfadhiya oo daawashadooda aan aad ujeclaysanayo erayada maansada ah ee mobile-ku kusoo dhacayaa waa kuwan

Faqri iyo danyari

Allow naga duwoo

Dagalkiyo arlada

Noo doojiyee

Noo ajiib ducadaa

Da’yartiyo ubadka

Allow noo hogaajiyo

Dawgii xaqiyo

Diinta noogu hadee

Waan qabtay telifoonkii waxaa ila hadlay wiilyar oo dhalinyar ah isku xaafado daganahay dhawr jeer aan is aragnay oo ituhmay waxaanu iisoo bandhigay in ay leeyihiin koox kooxdiina xaflad dhiganayaan tallo iyo taageero dhaqaaleba ubaahan

Runtii marna waan farxay marna waan naxay mar waan farxoo waxaan ku farxay ubadkaasi ku dhiiran inay kubada ciyaarteeda iyo isku xidhnaata sii wadaan mar hadii aanu balwadaysnayn oo anu lahayn lacag iisoo dir aan ku qayilo ama mid uu ku tahriibaba, marna waan ka naxay oo dareenkaasi iyo taageradaasi waxay u baahnayd inay qorshe wanaagsan Hogaanka , waalidka iyo aqoonyahankuba kasii lahaadaan oo gacmo wada jirbaa wax lagu qabtaaye wax sii qorshaynaadaan.

Waxaynu ku jirnaa xaalad suaasha aad isweydiisaba aad jawaab khalad ah la doonanaysid Cadawga hadii uu damco inuu kala qaybsado, bililiqaysto, dhalangadiyo,wuxuu uga socdaa inuu isagu maareeyo madmadawna kaa galiyo xaadirkaada iyo mustaqbalkaagaba,waxaana markhaati inoo ah in cadawgeenii gacanta inagu hayo wacyiga aynu ku jirno ee is afgarad la’aanta intii isku dan ah ka dhex aloosan.

Bulshadeena maanta waxaa fursad inoo ah in aynu waaqican aynu ku jirno inagu macnayno doorashooyinka ina hortaagani inaga ayay inoo dhacaysaa cida aynu dooranayno waa sadexdaa musharax ee sadexda xisbi kala wata cidkale cirka inooga soo dhicimayso bal maka fikirnaa yaa xaaladan ku haboon ee xal inoo keeni kara.

Marxaladan waxaa lagu sixi karaa in aynu yeelano tolmo taban oo aynu ku eegno cida hogaamin ka muuqato ee qarankan uwada dan ah inuu madaxweyne u noqdo

Hogaamiye waa qof lagu daydo, oo Ummada inteeda kale u ah Tusaale oo Rabbi uu siiyay Tilmaamo sare, oo kasoocaya dadka intiisa kale.

Hogaamiye waa qof kufikiri kara inuu Guulo sare xaqiijiyo isagoo dhaqaajinaya hamigooda ama shaqa-galinaya Ummada oo dhan.

Sifayaasha soo socda yaa inooga muuqdaa 3 xisbi musharixiintooda

1- Caqli badan iyo garasho sare,

waa in uu ahaado mid kala sooci karo dhacdooyinku mudnaanta ay kala leeyihiin, waxa kadhalan kara iyo jawaabta uguhaboon ee laga bixin karo.

2- Karti iyo Awood waxqabad,

waxmatare hogaamiye sare manoqon karo, maxaayeelay qofka daciifka ah waa laga talaabsan, ummadiina waa laqaybsan isagoo taagan, maadama uusan lahayn Awood lagaga haybaysto.

3- Go-aan qaadasho

Waxa meel lagu gaadhaa hogaamiye goaan qaadan kara oo aan labaclabac lahayn isagoo aan ka tagayn talo wadaaga laakiin kalsooni ku qaba inuu go’aankiisa maantana waa caqabadaha ina hortaagan

4- Karti run sheegnimo

Dhaqankeenii waxaa baabiiyay waji ku macaash iyo guulwadanimo badheedh ah oo aan xishood lahayn yaa dib usixi kara ee aynu ka arki karnaa hogaamiyayaashan codka inaga raba

Ummadkasta oo rabta inay gaarato Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah, oo leh tilmamihii hogaamiye-Nimo, ee Ummada u horseedi lahaa in uu si fudud u helo dhabooyin macquul ah oo soo afjari kara khilaafyada,musuqa,iyo maamul xumada noqotay dhaxalka.

Dhibaatadan dhalinyartii aanay haysan dariiq ay maraan oo u sahla in ay ku dhagaan majaraha saxda ee lumay waa in aynu si caqli sarre leh ku qiyaasno cida aynu rabno,caadifada iyo kalgacaylka ka horaysii yaa ku haboon maanta inuu hogaamiyo qarankan.

Hogaanka maanta aduunka saamaynta ku leh waxaa lagu qiimeeyaa mabaadiida uu aaminsan yahay ee uu rabo inuu wax ku maamulo.

Ummadu waa in ay qiimaysaa kuna sar goysaa baahiyaha horyaala ee xanuunka badan ee u baahan in laga gudba hogaanka aynu rabnaa waa in uu leeyahay hiigsi sare sidoo kale qaabayn kara mustaqbalka soo socda uu leeyahay fikiro wanaagsan oo hogaamineed ha ahaado kuwa dhaqanka ama siyaasiga ahba.

Waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkaygan maanso uu leeyahay Abwaankii weynaa Xasan ganay ilaahay raali haka noqdee

Waqtigu wuu sunsumayaa

Midna waa la sugayaa

Soo jire ma noole’e

Qarni waliba wuu socon

Safna wuu ka daba dhalan

Hadba kooda sarakaca

Waxa sahayda uga taga

Kii horee sagootiyey.

Ilaahay tawfiiqda ha ina waafajiyo hogaamiye taariikh wanaagsan inagaga taga alle ha inoo dooro Ameeeen .

W/qoray: Ahmedyasin Sh cumar ahmed furre

ahyasen216@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here