Maalinta Cudurka HIV/AIDS-Ka Oo Somaliland Laga Xusay

0
556

Hargaysa (HP): Waxaa maanta caasimada Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay  munaasibad balaadhan oo lagu  xusaayey, xuska maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS.

Waxaana munaasibadaasi soo qaban qaabiyey  komishanka Xakamaynta Aydhiska, waxaana kasoo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka, Warfaafinta iyo Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in sannadkiiba hal mar lays xasuusiyo maalintan caalamiga ah ee loogu talo galay xuska xannuunka Aydhiska.

Waxaanu yidhi  “Waxaa maanta sharaf inoo ah dhammaanteen inaan kasoo qeyb galno maalintan loo asteeyey in lagu xuso maalinta AIDS-ka ee adduunka.

Iyadoo looga jeedo in maalintani ay noqoto in sannadkiiba mar lays xasuusiyo dhibaatada xanuunkani leeyahay, sida loo daweyn karayo, sida looga hortagi karayo iyo sida loola macaamili karayo dadka xannuunkani ku dhacay wacyi weyna layska siiyo, iyadoo ay wacyi gelintu joogto tahay”.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay maanta adduunyadu dedaal weyn ugu jirto sidii daawo rasmi ah loogu heli lahaa xannuunkaasi.

“Imika dunidii waxay gaadhay in dawooyin fiican la helay innaguna in ninkii muslimka ahaa ee walalkaa ahaa aan foqooqno dadka caalamka ugu dhaqaalaha badan sida Bilgayti oo kalena  inuu adduunyada maanta ku bixinayo Bilyan  Doolar sidii uu ummaddaa dawo ugu heli lahaa.

Miyaanay nasiib daro ahayn ninkii aan islaamka ahayn uu damqanayo uu lacagtiisii maanta ku bixinayo sidii loo heli lahaa dawo rasmi ah oo lagaga bugsado innaga damiirkeenu waa inuu ina faraa inaan qofkaa wixii aan u qaban karno aan u qabano”ayuu yidhi Saylici.

Ugu danbayntiina waxa halkaasi Madaxweyne ku xigeenka lagaga qaaday shaybaadhka ogaanshaha iyo fayo qabka cudurkaasi.

Isagoo Madaxweyne ku xigeenku tusaale u noqday Bulshadu inay ku dhiirato baadhitaanka xannuunkaasi si caafimaadkooda ula socdaan.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY