Ma Waxaynu Ku Talo-galney In Aynu Dhisno Dawladnimo Rayid Ah oo Dadku Leeyahay Mise Waxa Aynu Ku Talo-Galney Dawladnimo Quwad Badan oo Iyadu Dadka Dhista?

0
1600

Su’aashan tunka weyn waxa ay ka mid tahay su’aalaha cilmiga siyaasadda lagu daraaseeyo, gaar ahaan mawaadiicda qarannimada khuseeya (Theories of the State).

Culimada cilmiga siyaasaddu waxa ay isla qaadatay in dawladnimada rayidka ah ee xorriyaadka badan wadataa ay gaabis dhaqaale dhis leedahay guddoonkeeda oo jilicsan awgeed

Sababtuna waa in sharciga aaney fulin karin. Waayo rabitaanka dadka ayey ku shaqayneysaa waxana la gu hagaa dareenka iyo damiirka bulshada oo dabcan u badan dadka caqliga maxasta ah leh (average mind).

Aragtida labaad waa tan dawladnimada dadka leh ee xoogga badan.

Dawladnimada noocan ahi waa ta 100% lagu dhisay dalalka adduunka dhammaantood. Yurub iyo Maraykan waxa lagu dhisay nidaam dawladnimo oo awood badan (authoritarian). Duwalka noocaas ah ayaa dalalka iyo qaar badan oo ay ka mid yihiin Japan, South Korea, Australia, Singapore, Malaysia lagu dhisay. Dhammaan dalalka aad maanta horumarkooda arkaysaan nidaamka dawladnimo ee ay ku xoogaysteen ma ahayn nidaam dimuqraaddi ah ee waxa uu ahaa nidaamka loo yaqaan “Developmental State”.

Markii ay xoogaysteen ayey isku beddeleen dalal dimuqraaddi ah, markaas ayuu dhaqaalahoodii boqol jibbaarmay. Innagu Somaliland ahaan miyeynu sidaa oggol nahay? Dadkeennu waxa heshiis bulsho u ah dawladnimo dimuqraaddi ah oo uu shacabku awoodda kore leeyahay. Waxa ugu badan ee ay garanayaan ee ay awoodda u isticmaalaan na waa nabad qabyaaladdeeda wadata. Marka ay sidaa tahay waa in la fahmaa; horumarka waddanku waxa uu noqonayaa mid aad u luuda. Sababtuna waa in dadkii caaddiga ahaa ee la xukumi lahaa ay helayaan fursad ay wax ku xukumaan.

Mohamed O. Hagi Mohamoud

LEAVE A REPLY