“Ma qabyo li’in Laakiin horumarka iyo wanaaga qabsoomay baa badan”…

0
539

Burco (Hargeisa Press.com): Wasiirkii madaxtooyadda ee xukuumadii Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa wax magarato ku tilmaamay dadka saluuga ka muujiya in aanay Somaliland waxba ka faa’iidin gooni isu-taaga.

Waxaanu sheegay in ay jiraan dadka qaarkood oo tash-wiishadeeya horumarka qaranka Somaliland gaadhay oo ka dhiga in aynaan waxba ka korodhsan ama guul ka gaadhin gooni isu-taaga.

Maxamuud Xaashi, ayaa ku dooday in Somaliland ay horumar balaadhan oo dhinac walba leh ka gaadhay, inkastoo ay jiri karaan gol-daloolooyin iyo qabyo weligoodna ay jirayaan.

Balse horumarka iyo wanaaga qabsoomay ay ka badan yihiin qabyadda jirta mudadda 28-ka sanadood ah ee ay Somaliland jirtay.

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad loo qabtay dufcadii labaad ee arday ka qalin jebisay jaamacadda Al-Najaax, ee magaaladda Burco.

Waxaanu tusaale u soo qaatay horumarka dhinacyadda badan ee Somaliland ay ku guulaysatay wixii ka danbeeyay markii ay Soomaaliya ka go’day magaaladda Burco oo ay imika ka jiraan 16 dusgi sare iyo 9 jaamacadood.

Kuwaasoo uu Maxamuud Xaashi, ku tilmaamay in ay qayb ka yihiin horumarka qaranka Somaliland  gaadhay intii aynu xoriyadeena la soo noqonay.

Dhinaca kale Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ku amaanay maamulka iyo madaxda jaamacadda Al-Najaax kaalinta weyn ee ay ka qaateen in ay ardayda si gaara u baraan culuumta diinta islaamka.

Halkan Ka Daawo Khudbadii Maxamuud Xaashi:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here