Ma Maanta oo La Ina Leeyahay Somaliland iyo Soomaaliya Ayaa Is-dhexgal Ku Heshiiyay Ayaan La Hayn Cid Ka Dareen Celisa!

0
1249
Qora Muhamed Dhimbiil

Waxa wax lala yaabo ah in si fudud loo yidhaahdo masiir umadeed ayaa khalad madbici ahi gallay ( Typing error ) oo umada hadalka noocaas ah lala soo hor istaago , waxa sidaasi oo kale isweydiin leh in la yidhaahdo hala is dhex socdo waxii aan siyaasad aheyn .

Haddaba yaa yidhi ciyaaruhu siyaasad maaha , yaa leh fanka iyo suugaantu siyaasad maaha , bal ganacsigu waa wax shaqsiyaad leeyihiin oo isagu halkii ay dani ugu jirto ama lacagi taallo ee uu suuq ka helayo waa tagayaaye , waxa aynu ognahay in wasaaradaha ciyaarahu ku dhisan yihiin siyaasad dawladeed , maadaama aanay Somaliland aqoonsi haysan ma laha xidhiidh ciyaareed oo madax banaan oo ku xidhan Fifa .

Sidaasi oo kale suugaanta iyo dhaqanku waxa ay leeyihiin hay’ado dawladeed oo siyaasad ku aasaasan , waana aaladaha iyo afka xambaara afkaaraha iyo mabaadiida siyaasadeed ee umadi leedahay , hadii aan Somaliland la aqoonsan sidee ay suuragal ku tahay in guud ahaan la isku dhex socdaa , hadiiba Somaliland soo qaadatay qodobkan sidan ah , tolow maxay ku badalatay ayaa isweydiin leh ?

Waxa iyaduna isweydiin leh shirkani waxii lagu heshiiyey ee rasmiga ahaa goorma ayaa dadka lala wadaagayaa , mudada uu soconayo waa intee , qaabka loo xidhiidhayo iyo sida dadka loola wadaagayo waxa ka soo baxa shirku yaa baahinaya ,  waayo dadka Somaliland uma baahna madmadaw iyo in qadiyadooda qol madaw lala gallo oo marba wax dadka jaah wareeriya lagu soo dhex tuuro.

Waxa iyaguna maanta la tebayaa kaalintii wakiilada Dadweynaha ee ula xisaabtamayey xukuumada iyaga oo metelata shacabka , isla markaana eegi lahaa heshiis kasta oo la soo gallay waxa uu yahay, qodobkaasi maanta soo baxay waxa uu noqon karaa khiyaamo qaran ay guud ahaan xukuumadu ku waayi karto xili doorasheedkeeda hadii ay soo qaadato wax aan dadkeedu raali ka aheyn.

Waxa aan soo jeedin lahaa in guud ahaan dalka la isku soo baxo oo la diyaariyo mudaharaado lagaga soo horjeedo warbixintan madmadawga leh ee la isla dhex wareegayo , isla markaana jawaab cad laga helo xukuumada iyo gadhwadeenkeeda.

Is-dhexgalka bulshada ( social integration  ) waa siyaasad ka balaadhan intan dadku ku mashquulka yihiin oo la rabo in Gobolka Geeska Africa oo dhan la isku furo , Muqdisho dhexdeeda ayuu Dr Abiy Ahmed kaga saxeexay Farmaajo booqashadiisii ugu horeysay , laakiin waxa isweydiin leh goormaa la is dhex gali karaa , ma jiraan awoodo is miisaamaya oo gorgortami karaa , Somaliland oo aan la aqoonsanayn sidee ay isdhexgalka noocaasi ah ugu badheedhaysaa , iyo waliba Somalia oo ay is hayaan uga ogolaatay qodobkani.

Waxa ay iila muuqataa in dadka Somaliland la nugleynayo oo dhagahooga lagu celcelinayo midnimo , isdhexgal , federal , Confederation, iwm , si looga saaro aragtidii dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland iyo aqoonsi raadinta ahayd , taasina waa ayaan daro iyo gef umadan loola badheedhay.

Waxa sidaasi oo kale shirkaasi ku heshiis ahaa axsaabta siyaasada oo umada u muuseeyey wax aanay ka warqabin iyo meel aanay ogeyn wax ka soo bixi doona , waxa aan aaminsanahay in dadka Somaliland ku baraarugeen oo arkeen halka lala marayo , iyo in  aan cidi u maqneyn ee loo heshiiyey.

Shirka muuqaalada diblomaasiyadeed ee iiga soo baxay iyo magacii lagu sheegay markii hore oo dib u heshiisiin ahaa waxaa cadeyn u ah gudiga farsamo ee loo saaray in hawlaha wadaan dhinaca Somalia waxa hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha dawlada federalka Somalia , taasi oo ka dhigan in ay xalinayaan khilaaf dalka gudihiisa ah , halka uu Somaliland wasiirka arimaha dibadu joogo , oo ay ahayd in arimaha dibada Somalia isna uu meesha joogo oo ah dhigiisu , si uu wadahadalku u noqdo mid miisaamaan ama laba isleeg ah.

Hogaamiye Maxamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY