Ma Jiro Laba Komishan Doorasho..!

0
1245

Guddida Doorashooyinka Qaranka ee cusub waxay leeyihiin awooda sharci ee doorashooyinka dalka, waana todoba xubnood mar kasta.

Hadaba si xeegana xeego u noqoto ilkana u nabad galaan caqabada doorashadana looga gudbo waxa lagu heshiiyay in xisbiyada mucaaradku soo buuxiyaan labadoodii xubnood.

Sidoo kale waxa la isla afgartay in la abuuro Guddi farsamo oo maamusha hawsha doorashada (Technical Election Committee) una report garaysa Komishanka sharciga ah ee #Riyoraac, Gudidan farsamo wxy ka kala imanayan 6 xubnood oo Komishankii hore ah iyo 3 cusub oo beesha caalamka ka socda.

Sidaas darteed ma jiraan laba Komishan oo doorashooyinka wada qabanayaa, waayo Komishanka hore ma haystaan awood sharci oo ay doorasho ku qabtaan balse waxa laysla gartay iyadoo laga faaiidaysanayo khibrada iyo waayo aragnimada ay leeyihiin inay noqdan Guddi loo igmaday oo ka cawinaya dhamaan qabashada hawlaha farsamo ee doorashoyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.

Mudada xilka Guddidan farsamo waxay ku eg tahay maalinta ay Maxkamadda sare ku dhawaaqdo Natiijada Doorashooyinka.

“Fuloow Guuli Kuu Dhowaa” Gaariye, IHN.

Hadaba; haatan iyo dan, waxa guulaystay Qaranka JSL, danta qaranka wax walba halaga horaysiiyo oo xukuumad iyo xisbiyaba halaga wada shaqeeyo sidii qodoxda looga guri lahaa caqabadaha doorashada ku xeeran wixii hadhsan sida Saami qaybsiga kuraasta Wakiilada, heshiiskana ha noqdo dhamaystirka qabyada doorashooyinka dalka.

 

Wabilahi tawfiiq.

W/Q: Mohamed Adan Gacayte

Hargeysa/Somaliland

Gacayte09@gmail.com.

LEAVE A REPLY