Luka Modric Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Kubbada Cagta Ee Ballon d’Or

0
1419
Luka Modric Ballon d'Or

HargeisaPress –Luka Modric oo khadka dhexe uga dheela kooxda Real Madrid iyo qarankiisa Croatia ayaa ku guulaystay abaalmarinta qaaliga ah ee kubbadda ee Ballon d’Or 2018, wuxuuna noqonayaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee abaalmarintaas hela tobankii sano ee ugu dambeeyay marka laga reebo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Luka oo 33 jir ah ayaa markii saddexaad ku guulaystay koobka qiimaha badan ee Horyaallada Yurub bishii May ka hor intii uusan dalkiisa Croatia gacan ka siinin in ay markii koobaad gaaraan ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka.

Kaka oo afka hore uga dheeli jiray Brazil iyo AC Milan ayaa ahaa ciyaartoygii ugu dambeeyay ee ku guulaysta abaalmarintan marka laga soo tago Messi iyo Ronaldo.

Ronaldo oo xagaagii ka tagay Real Madrid kuna biiray Juventus ayaa galay kaalinta labaad.

Messi oo afka hore uga dheela Barcelona ayaa kaalinta shanaad galay, Antoine Griezmann oo u dheela Atletico Madrid ayaa galay kaalinta saddexaad Kylian Mbappe oo ay dalka Faransiiska u wada qaadeen Koobka Adduunkana wuxuu galay kaalinta afraad.

Tobanka kaalmood ee ugu horreeya abaalmarinta Ballon d’Or

1. Luka Modric (Real Madrid iyo Croatia)

2. Cristiano Ronaldo (Juventus iyo Portugal)

3. Antoine Griezmann (Atletico Madrid iyo France)

4. Kylian Mbappe (Paris St-Germain iyo France)

5. Lionel Messi (Barcelona iyo Argentina)

6. Mohamed Salah (Liverpool iyo Egypt)

7. Raphael Varane (Real Madrid iyo France)

8. Eden Hazard (Chelsea iyo Belgium)

9. Kevin de Bruyne (Manchester City iyo Belgium)

10. Harry Kane (Tottenham iyo England)

BBC 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here