Loolanka Jubbaland ma wuxuu bannaanka soo dhigay danaha Kenya iyo Itoobiya ee Soomaaliya?

0
715

NAIROBI —Bayaan goordhaweyd ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in la xiray dhamaan goobaha laga soo galo magaalada Kismayo ee cir, dhul iyo badba.

Go’aankan ayaa imaneysa iyadoo Khamiista lagu wado inay doorashada madaxtinnimada maamulkaasi ay ka dhacdo magaalada Kismayo. Balse weli waxaa taagan khilaaf balaaran oo keenay in kooxaha mucaaradku ay iyana ku dhawaaqaan in isla maalintaas ay dooranayaan madaxweyne.

Tallaabadan waxay imaaneysaa ka dib markii diyaarad ay leedahay Itoobiya loo diiday in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, sida ay sheegeen dad ku sugan garoonka. Xiisad sare oo arrimaha doorashada la xiriira ayaa ka jirto magaalada Kismaayo.

Waxaa loo maleynayaa in Qaramada midoobey iyo dowladda oo taageero ka heleysa Itoobiya ay doonayaan in doorashada dib loo dhigo. Halka maamulka Jubbaland oo kaashanaya Kenya ay doonayaan in doorashada ay u dhacdo sidii loo qorsheeyay.

Labada dal, Kenya iyo itoobiya waxay qeyb ka yihiin ciidamada AMISOM eek a badan 20,00, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya.

Weriye ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in inkabadan 90 ciidamo komandos ah oo Itoobiyaan ah in ay siday diyaaradda loo diiday in ay ku degto garoonka.

Ciidamada ugu badan ee kenya ayaa ka howlgala magaalada Kismayo.

Wufuud sare oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada AMISOM, Tigabu Yilma – oo Itoobiyan ah – waxaana la filaya in ay xal ka garaan ismari waaga ka taagan Kismaayo.

Danaha Itoobiya iyo Kenya

Khilaafka doorashada Jubbaland ayaa u muuqda in uu weji cusub yeeshay.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Ismari waagan wuxuu sababay “khilaaf” soo kala dhexgala dalalka deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya, sida ay ka soo xigatay dadka falanqeeya arrimaha maniga.

Labada dal ayaa loo arkaa in ay dano kala duwan ka leeyihiin Soomaaliya. Dowladuhu dano iyo cadifad ayay ku shaqeeyaan. Naxariis kuma shaqeeyaan”, ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi, madaxa machadka cilmi barista siyaasadeed ee Soomaaliya ee Heritage.

“Markastoo annaga gudaheena aan wareer iyo caqli xumo aan ka sameyno; markasta oo ay badato in gacmo kale ay soo galaan iyagoo u muuqda in ay qof la jiraan, waxay (gacmahaas kale ) riixanayaan danahooda,” ayuu yiri Cabdirashiid.

Jubbaland waa maamulka ugu dambeeya ee doorasho ay ka dheceyso tani iyo muddadii uu xilka hayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay bishii February ee 2017kii.

Cabdirashiid Xaashi oo arrintan u arka fursad ay bixiyeen siyaasiyiinta ayaa yiri: “Waa nasiib darro in hadda ay Itoobiya iyo Kenya ku murmayaan doorashada jubbaland, Qaramada Midoobeyna ay go’aanno soo saarayso. Siyaasiyiinta Soomalida ayaa fursadaas siinaya”.

Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in khilaafka uu gaaray meel aan waxba laga qaban karin.

Wuxuu yiri: “Khilaafkii doorashada Kismaayo wuxuu u egyahay in uu faraha ka baxayo. Laba waddan oo jaar ah oo ciidamada ka joogaan Soomaliya in ay ku hardamayaan waa wax muuqdo oo la wada arkayo”.

Soomaalida Xal ma isla gaari karaan?

“Waxay ila tahay halkii ay isla gaareen dowladda federalka iyo mamulka Jubbaland ama musharrixiinta Jubbaland gudeheeda ku tartamaya in waanwaan ay caqli ku dareen ilama ahan in la heli karo”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cadami.

Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya daneeya ayaa isku deyay in arrintan xal loo helo, balse waxay u muuqataan “in taasi aysan suuragalin”.

Cadami waxaa u muqata in xalka uu ka imaan karo dhanka dowladaha kenya iyo Itoobiya wuxuunta yiri: “Waxaa dhici karta in ay xal garaan dowladahan manta ku haya meesha e ekenya iyo Itoobiya ayna isla gaaraan in ay tageeraan doorashada hadda socota iyo ciddii ku guuleysata ama in ay isku waafaqaan musharrax dhexdhexaad ah oo ay caleemo saaraan”.

Balse cabdirashiid Xaashi ayaa sheegay in Soomaalida ay noqotay sida “kubad la isu dhiibayo”.

“Sidii ay u soo socotay anaga hadda waxaan mareynaa in aan noqonay banoonigii la tuurtuurayay, ciyaartana dadkale u sallaxantahay”.

Caqabadaha ka dhalan kara

Amniga iyo diyaarinta doorashada soo socota waa arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla dowladda madaxweyne Farmaajo.

Haddii xaaladda au sidan ku socoto “Marka la garo January 2020, tabartooda way sii yaraaneysaa”, ayuu yiri Cabdirashiid oo ka hadlayay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sannad iyo bar gudahood wajahaya doorasho, taas oo Cabdirashiid xaashi uu u arko in ay ku tahay caqabad ayna “daciifineyso tabartii dowladda”.

Balse Cadami wuxuu sheegay in Kismaayo ay gacanta u gali karto Al-Shabaab “oo aan ka fogeyn halkaas in ay ka faa’ideystaan ayna ka dhex qaadaan xoogagga meesha isku haya”.

Cabdirashiid Xaashi, Agaasimaha machadka Heritage dhankiisa wuxuu aaminsan yahay: “Haddii Jubbaland ay ka adkaadaanna waa uun meel ka fog oo khilaaf soo jiitamayay uu ka jiro oo ay furfureen ayey noqoneysaa. Haddii laga adkaadana waxay noqoneysaa in Puntland iyo Jubbaland ay u xanaaqsan yihiin”.

Axmed maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo markale u tartamayo inuu xilka qabto “wuxuu saaxiib dhow oo arrimaha amniga la yahay Kenya”, sida Reuters ay qortay.

Wakaaladda ayaa sidoo kale qortay in “Itoobiya ay saaxiibtinimo dhow oo sii xoogeysaneysa la yeelatay dowladda Federaalka ee Soomaaliya”.

BBC

LEAVE A REPLY