LAPTOP: Maanso Jacbur Ah Qalinka: Axmed Cisman Batuun

0
4283
Axmed Cisman Batuun

HargeisaPress — Tixdan jacburka ah waxaan yabyabay sanadkii 2012kii waxaana aan idiin soo gudbin doonaa maanso kale oo uu kaga jawaabayo macalinkayga ahna ruugcadaaga XASAN MAX,ED YUUSUF oo la yidhaa jawaabtii samiira ugu horraynse labtop ila arka:

LAPTOP nin haystaa
DESKTOP ma doonoo
intuu CHARGER qaatuu
Marba FIISH la tegiyoo
Boorso uu kurido iyo
Khan u waayi maayoo
Xaalkiisu waa halis
Markuu dhuuqo FACE,koo
Mashquul kama dhamaadee
Anigana sidaasaa
Muuqaaqa jeerkaan
SCREEN-ka soo dhigo
Kal gacayl isaaqaa
waan PAINT gareeyaa
PHOTOSHOP-ka mariyaa
Oon POWERPOINT,kiyo
EXEL-kaba ku tuuraa
Ayahaygiibaad tahay
Waan Walwaalayaayoo
Jacal-baan daraadaa
Samiiray Fatahayaa
3G ka rooneey
MOUSE,kii quluubtaay
Ma RECYCLBIN-kaad
Jacaylkii Kutuurtoo
FORMAT garowyoo
Waxaad tidhi DELETE oo
Qulqul baad ileedahay
Waxaan kaa codsanayaa
RESTORE- gareeyoo
UPDATE- sii walaaleey
Ubad iyo Caruur badan
Aan PRINT garaynee.

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY