Labadda Waddaad iyo Badhasaabka Boorame Sidey Arintoodu Noqonaysaa?

0
652

Maalmahan waxa aynnu maqlayney culimo reer Awdal ah oo eed diin cay ah ujeedinaya Badhasaabka Gobolka Awdal, codsanayana in maamuus ka xayuubin la gu sameeyo, dhanka kalena xus dil ah iyo xukun waa uu riddoobay ah  ridaya, Culimada sidaas leh waxa ay qireen in Badhasaabka eedda intaa le’eg ay u soo jeediyeen aaney caddayn karin in uu eeddaa leeyahay iyo in kale. Halkaasi waa Qoddob muhiim ah.

Waxa ay si shakhsi shakhsi ah u sheegeen in iyagu aaney goobta diin caygu ka dhacay joogin ee ay maqal iyo sheegmo cid kale u ga timi ku tahay. Haddana waxa hadalkooda ka muuqday in ay aamineen iyaga oo aan hubsiimo sax ah sameyn.

Halkaasina Waa Qoddob.

Sidaa si ka soo horjeedda, dhanka kale waa Badhasaabka Gobolka Awdal e, isna waxa uu sheegay in uu yahay qof Muslim ah oo Alle yaqaan, diin uu caayeyna aaney jirin ee been la ga sheegayo. Inkasta oo dareenka jidhkiisu (body language) uu tilmaamyo xarakaad ka duwan warkiisa – haddana cadho iyo baqdinba (nerves) dareenka jidhka qofka wax badan ayey ka beddeli kartaa. Yeelkeed, odhaahda Badhsaaabku diidmo iyo beenin warka wadaaddada ayey ahayd.

Halkaasina Waa Qoddob

Marka uu sidaas xaal yahay, dareen noocee ah ayaa kuu soo baxaya?  Waxa ugu horreeya ee ay tahay in ay innoo soo baxdo waa xaqiiqda saddex dhinac; saddexda dhinac waa in su’aalo buuxa la iska wayddiiyo ka hor inta aan dareen caaddifi ah oo miyir qabka ka baxsan la qaadan.

Marka hadalada la tixraaco labadda dhinac waxa imanaya in Su,aalahan la iska Weydiiyo.

1.-Ma jiraan innaba Badhasaabka iyo wadaaddada eedda soo jeediyey wax ay hadda isku seegan yihiin, hore isugu seeganaayeen oo dan gaar ah ama mid guud ah oo ka baxsan cayda diinta ay ku dacwiyayaan?

2.-Badhasaabku waa shakhsi noocee ah shaqo ahaan, dhaqan ahaan, aqoon ahaan iyo damiir ahaan? Wadaaddadu iyana waa caynkee camalka iyo shakhsiyaddoodu

  1. Cidda warka diin cayga ah wadaaddada u soo warisay waa’ayo?

Ma ciddii ay Badhasaabka hore isku hayeen ee muranku ka dhex oognaa sida ay iyaguba sheegeen mise waa cid kale oo aan habayaraato e, lug ku lahayn ishaysiga Badhasaabka?

Markan oo kale waa in caqligu si degan u shaqeeyaa. Cidda loo baahan yahay caqligeedu in uu shaqeeyaa waa dawladda fariinta culimadu ku socoto, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Waajibka Wasaaradda saaran waa in ay xaqiiqada dhabta ah ee jirta ka biyo dhiijiso iyada oo aan cidna dhinaca saarin, Arrinka noocan ahi caaddilnimo sax ah ayuu u baahan yahay sideedaba.

Marka baadhis la sameynayo, waxa la soo hor joogsadaa dhanka cidda eedda la ga sheeganayo iyada oo si adag loo warsanayo cidda dacwoonaysa waxa ay ka dacwiyeyso, iyo nuxurka eedda Marka intaasi ay dhammaato ayaa loo gudbayaa dhanka cidda eedda loo jeedinayo, Intaa ka dib ayaa la raadinayaa caddamyo madaxbannaan oo labadaba dhinacba ka baxsan.

F.G. Cidda leh diintayada ayaa la caayey oo keli ahi caddayn ma noqon karto haddii aan qiraal laga helin dhanka eedda loo soo jeedinayo, Faallada tan marka koowaad waxa aan u qoray in aynnu ka feejignaanno eedaha heer dawladeed la isku jeediyo ee aynaan xaqiiqadooda war badan ka hayn iyo in dawladnimadeennu noqoto mid dhawrsan oo aan gef cadli ah galin hubsiimo la’aan.

By:- Xasan Sheekh Warsame Cawed

Boorama Somaliland

Cawed29@hotmail.com

LEAVE A REPLY