Labadan Tallaabo Haddii La Qaado Waxay Kor U Qaadaysaa Sumcadii Somaliland

0
712

Labadan Tallaabo Haddii La Qaado Waxay Kor U Qaadaysaa Sumcadii Somaliland

Suxufi:Barkhad-ladiif M. Cumar.

Dacwaddan ay Madasha wadatashiga ka gudbiyeen go’aanka labadda sanno  loo kordhiyey Baarlamaanka waa fursad sumcadii Somaliland ku lahayd beesha caalamka lagu soo celin karo waa hadii loo fahmi dhinaca fiican ee aanay xukuumadu u arag talaabo lagaga soo horjeedo.

Dalna kaligii ma istaagi karo , Somaliland waa sidaas oo kale,  waynu ognahoo laba arimoodba dalalkii aynu saaxiibka lahayn way inagu dhaliileen, waa dadkan la iska xidhxidhayo iyo muddo kordhinta labada sanno ee aan lala tashan dadkii ay khuseysay doorashooyinku, waana labada arimood ee sumcadaadda hoos u dhigi karta kuna waayi karto saaxiibo caalamka kugu doodi lahaa.

waxay  Somaliland lahayd saaxiibo badan balse imika u muuqda inay inaga niyad jabayaan qaabka aynu u dhaqmayno iyo siday iyagu inala rabaan oo ah mid isku jirta  cir iyo dhul.

Somaliland waxay mar gaadhay in tusaale loo soo qaato oo dalal badan oo Afrika loogu faano in dal aan aqoonsi lahayn ay doorashooyin kala duwani ka dhacday oo aanay deero deero hirdiyin, madaxweyneyaalna isku bedeleen.

Qoraalkii u dambeeyey ee ay soo saareen beesha caalamku waxa uu ahaa kii ugu adkaa ee Somaliland kaga hadlayeen, sidaas darteed si sumcadda Somaliland beesha caalamka loogu iibiyo waa in fursaddan ay keeneen odayaasha madasha wadatashiga loo arkaa talaabo wanaagsan,.

Laba arrimood oo imika la qaada sumcaddii Somaliland way soo celinaysa:

Hadii maxkamadda sare dacwaddan eegto markay ka doodaan soo saaraan in go’aankii Guurtidu khalad ahayd oo sabab loo kordhiya aanay jirin, sidaas darteed soo jeediyaan in go’aankaasi laga noqdo ama laga laabto .

Qodobka labaad inuuu madaxweynuhu aqballo go’aanka maxkamadda sare, isla markaana wixii hor taagna doorashooyinka uu go’aamiyo inuu dhamaynayo muddo sanad ka yar doorasho ku qabto.

Haddii labadaasi qodob oo kaliya ku kala dhaqaaqaan maxkamadda sare iyo madaxweynuhu waxay noqonaysa dhacdo cajiib ah oo loo qaaday dhanka horumarka iyo ilaalinta sharciga iyo fulinta kalmadii ololaha lagu gallay ee sharciga sareeya, waxaanay dhacdadaasi ina gaadhsiinaysa caalamka oo dhan oo marna news caalamka gaadha ayey noqon  marna waa la falanqayn doonaa oo la odhan doona waa dal sharcigiisa illaaliya.

ILLAAHAY ha idin garansiiyo tubta toosan.

By: Weriye Barkhad-ladiif Maxamuud Cumar

Hargaysa/ Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here