Laba Qof oo Xanuunka Gawracatadda Ugu Dhintay Gobolka Saraar

0
920

Caynaba (Hargisa Press.com): Duqa degmadda Caynaba ayaa ka hadlay laba qof oo xanuunka Gawracatadda ugu geeriyooday degmadda War-idaad ee gobolka Saraar.

Labadan ruux ayaa u dhintay cudurka Soomaalidu u taqaanno Gawracatada, kaasi oo ka dillaacay deegaano ka mid ah gobolka Saraar, waxaana Cisbitaallada gobollada Saraar iyo Togdheer lagula tacaalayaa dad kale oo uu xanuunkaasi hayo.

Maayarka magaalada Caynaba Axmed Xaaji Yuusuf ayaa ka faahfaahin ka bixiyay dad xannuunka Gawracatadda ugu dhintay deegaankaasi waxaanu yidhi “Halkan waxaa aanu maanta ka soo jeedineynaa baaq dheer oo aanu ujeedineyno wasaaraddda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, baaqaasi oo ku wajahan xanuun ku soo kordhay gobolka Saraar, kaasi oo ah xanuunka loo yaqaano Gawracatadda iyadda oo xanuunkaasi ay uga geeriyoodeen laba qof hadda”

Maayer Axmed wuxuu tilmaan ka bixiyey calaamadaha cudurka Gawracatada ee dadku u dhinteen waxaanu yidhi “Xanuunkani qanjaha ayaa bararaya oo naqaska ayaa qabanaya cisbitaalkana waa ay ka buuxan dadka noocaas ahi, waana dadka dada-yar”

“Waxaanu u maleynaynaa in biyaha qadhaadh ee ay dadku cabayaan ay sababeen xanuunkani, maadaama ay biyihii macaanaa ee ay dadku cabayeen ka dhammaadeen goobihii ay ka cabi jireen, oo aan biyo dhaamis kalena la helin, Kaliil adagna ay dhacday wakhtiguna kuleyl yahay, ayaa waxaa soo baxay in dadkii cunuhu bararo oo naqasku ku xidhmo marka gudida abaaraha waxaanu leenahay wax la cuna ha joogeene, waxaa dadka ugu daran biyo macaan oo ay afka u cabaan”.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saraar Nuur Qaasim Qodax ayaa isaguna dhankiisa baaq u diray wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland waxaanu yidhi ”Waxaanu halkan ka soo jeedineynaa baaq, baaqaasi oo ah xanuun ku soo siyaadey gobolka Saraar, waxaanu aad iyo aad uga codsaneyna wasaaradda horumarinta caafimaadka inay gurmadd deg dega nala soo gaadho, ugana soo gurmato bulshadda xanuunka loo yaqaano (Gawracatadda) imika laba ruux ayaa u geeriyooday hada waxaa ila soo hadlay Dr. Xamse Ibraahim oo jooga jiida Saraareed, waxaanu yidhi ‘ha la kala fasaxo ardayda wax ka barata dugsiyadda Saraareed.”

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY