Laascaanood: Wasaaradda Maaliyadda Oo Tababar U Qabatay Isu-duweyaasha Laamaha Dawladda

0
524

Laascaanood (HP): Wasaaradda maaliyadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magaaladda Laascaanood ayaa tababar uga furtay isu-duweyaasha iyo masuuliyiinta laamaha dawladda ee ka hawl gala gobolka Sool.

Tababarkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu baran doonaa xeer nidaamiyaha maamulka maaliyadda iyo hagaha hab-raaca xisaabaadka.

Waxaana furitaanka tababarkaasi ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maamulaha kastamka Laascaanood, xisaabiyaha gobolka Sool iyo masuuliyiinta ka socday wasaaradda maaliyadda ee tababarka bixinayay.

Badhasaabka gobolka Sool oo si rasmiya u furay tababarkaasi ayaa kula dar-daarmay xubnaha tababarka qaadanaya in waxyaabaha ay bartaan labadda maalmood ee uu socdo in ay kula noqdaan xafiisyadoodda oo ay uga faa’iideeyaan.

Waxaanu yidhi, “Qaybtiina xisaabaadka ku tacaluqda, wasaarad kasta iyo hay’ad walba oo dawladda ka tirsani waxay leedahay qayb xisaabeed. Had iyo jeer meelaha loo dhinto, ee wax ka xumaadaan waa xisaabaadka.

Markaa waa in aad aad ula socotaan, oo mudadaa labadda maalmood ah ee aad tababarka qaadanaysaan, oo gobolka uga faa’iidaysaan. Aqoonta aad kala tagtaana aad hadhaw shaqaalihiinii kula noqotaan”.

Badhasaabka ayaa wasaaradda maaliyadda uga mahad celiyay tababarkan ay u qabatay shaqaalaha iyo isu-duweyaasha wasaarradaha dawladda ee gobolka Sool.“Waan uga mahad celinaynaa wasaaradda maaliyadda, oo tababarkan soo qaban qaabisay.

Wasaarraddaha kale ee dalkana waxaan ka codsanaynaa in ay sidaas oo kale shaqooyinkoodda, ay ku tababaraan shaqooyinkoodda” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay xisaabiyaha gobolka Sool, maamulka kastamka Laascaanood iyo masuuliyiin kale oo kula dar-daarmay ka qayb galeyaasha tababarkaasi in ay ka faa’iidaystaan culuumta ay bartaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY