Laascaanood: Tababar Loo Qabtay Maamuleyaasha iyo Macalimiinta Dugsiyadda Saddex Gobol

0
503

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa tababar u furay maamuleyaal iyo macalimiin ka ka kala socday saddex gobol.


Tababarkaasi oo ka qabsoomay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa loo qabtay macalimiin ka kala socday goboladda Xaysimo, Sarraar iyo Sool.
Kaasoo ku saabsan hab-raaca nidaamka cusub ee xog uruurinta (Date collection).


Furitaanka tababarkaasi waxaa badhasaabka ku wehelinayay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, iyo isuduwaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sool.


Iyadoo khubarada tababarkaasi bixinaysaa ay ka socdeen wasaaradda waxbarashadda Somaliland.
C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay furitaanka tababarkaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedadda tababarkaasi.


Waxaanu yidhi, “Waxaan maanta tababar ku saabsan hab-raaca nidaamka cusub ee xog uruurinta (Date collection) u furey maamuleyaal iyo macalimiin ka kala socotay goboladda Sool, Xaysimo iyo Sarraar”.

Tababarkaasi waxaa fulinaysa wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa loogu tallo galay in ay ka faa’iidaystaan maamuleyaasha iyo macalimiinta saddexdaas gobol.
Sida uu sheegay badhasaabka Sool.
“Tababarkan oo ay fulinayso wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska jamhuuriyadda Somaliland, ayaa loogu tala galay in ay ka faa’iidaystaan maamuleyaasha iyo macaliinta goobaha waxbarashadda ee saddexdaasi gobol” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.


Geesta kale badhasaabku waxa uu sheegay in tababarkaasi uu wax weyn ka tari doono nidaamka ay macalimiintu xogaha u gudbiyaan.
Isagoona kula dar-daarmay ka qayb galeyaasha in ay ka faa’iidaystaan casharada tababarkaasi lagu siinayo.
Waxaanu yidhi, “Waxaana uu wax weyn ka bedeli doona nidaamkii hore ee ay xogaha u gudbin jireen.
Insha Allaahu waxaan u rejaynayaa guul iyo in ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan ka soo qayb galeyaashu”.


Dhinaca kale waxaa furitaanka tababarkaasi hadalo ka jeediyay maayarka Laascaanood C/casiis Taarwale, oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo nidaamka xog gudbinta macalimiinta.


Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here