Laascaanood: Shir Ku Saabsan Nabadgeliyadda Degmadda iyo Wacyigelinta Covid-19

0
873

Laascaanood (Hargeisa Press): Shirkii guddiga nabadgeliyadda degmadda Laascaanood iyo maayarka ayaa maanta ka qabsoomay xarunta dawladda hoose.


Kulankaasi oo ah mid todobaadle ah waxaa ka soo qaybgalay taliyeyaasha 5-ya saldhig boolis ee magaaladda Laascaanood.


Waxaana kulankaasi shir-guddoominayay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, iyadoo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan guddiga nabadgeliyadda heer degmo.
Waxaana shirkaasi lagu gorfeeyay sidii loo sii xoojin lahaa nabadgalyada degmadda.
Geesta kale kulankaasi ayaa lagaga hadlay sidii loo dar-dslar gelin lahaa hawlaha wacyigelinta xanuunka Covid-19 iyo nadaafadda ee magaaladda.
Maadaama oo todobaadkan Laascaanood laga helay kiisas cusub oo xanuunka Coronavirus ah.


Waxaanay maayarka iyo guddigu isla qaateen in la bilaabo wacyigelinta bulshadda ee caabuqa Corpnavorus, isla markaana la dar-dar geliyo kor u qaadidda nadaafadda ee bulshadda.
Gaar ahaana goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan, sida masaajidadda, goobaha waxbarashadda, kulamadda iyo shirarka lagu qabto hudheeladda.

Gebagebadii kulankaasi ayaa la isku af-gartay sidii loo xoojin lahaa hawlaha amniga ee degmadda iyo wacyigelinta bulshadda ee xanuunka Covi-19.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY