Laascaanood: Sadex Qoddob Oo ay Kaga Fiican Tahey Magaalooyinka Kale Somaliland iyo Sodon Beenood Oo Laga Faafiyay Warbixin

0
1492
Muuqaalka Magaalada Laascaanood, PHOTO FILE

Laascaanood, (HargeisaPress) —Inkastoo ay ka muuqato hagrasho Markii hore kaga timid Inta ladan ee kasoo jeeda Deegaanka oo iyagu kala bakheylay in ay Camiraan oo xoojiyaan Dhismaha iyo Degsiimada Magaalada, ugana Wareegay Magaalooyinka Waaweyn ee Geeska Afrika Waxa Xaqiiqdii Saamayn Taban iyo Mid toggan ku Yeeshay Soddon Beenood oo laga Faafiyay iyo Sas laga Qaadsiiyay Dadka u Dhashey iyo Guud ahaanba Soomaalida kale,Waxa ay muddo dheer la daris aheyd Dhibaatooyinka iyo iyo Xasarada kasoo Waajahdey hirdanka iyo Maxsuulka Siyaasiga ah ee is jiid-jiidashada Labada Maamul.ee Somaliland iyo Puntland .

Marka Si dhab ah Xaqiiqda Loogu dhabo galo Xaalada Nololeed iyo Dhaqan Dhaqaale ee Kajira Gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta u ah Gobolka Deegaanka balaadhan ee Xoolo-dhaqatada ah Sool.

Waxa Xiligan ka muuqda Isbaddelo Dib udhis iyo Dib udajin Rasmi ah oo ay Shacabku kaga Soo doogsanayaan Marxalado adag oo Ku Xidhiidhsan Xaalado Xasaasi ah iyo Duruufo Siyaasadeed oo Saamayn ku yeeshay Degsiimada taas, oo aad moodo in ay ka Xuub-dhacsaneyso Nabaro kasoo Gaadhey Doogihii Burburkii Dalkii Soomaaliya,Waxaana kusoo hiranaya Qeybo kamid ah Qurba jooga iyo inta u Dhabar Adeygtey Duufaanada ay Kasoo Gudubtey ee Xaaladaha Amaanka ku aadanaa, Dilal Qorsheysan oo Wakhtiyada qaar ka dhacay, iyo Kuwii aanooyinka ahaa, Marka aad Si dhab ah uga dhugato hareeraha iyo Gudaha Qeybo kamid ah Xaafadaha Magaalada Waxaad ku arkeysaa Dhismayaasha Casriga ah ee Laga Bineeyay Kuwaas oo Maalinba Maalinta ka Dambeysa kasii kordhaya intii hore, iyaddoo ay taasi kor u qaadey rajada iyo hirashada Magaalanimo oo Xiligan heer Fiican Taagan.

Magaalada Laascaanood,Waxa isa soo taraya Tiradda Dadka guud ahaanba ku Nool Xiliggan iyaddoo ay Bulshadu ka Xoogaysaneyso,Maxasta oo Qeyb ka ah Xaalada ay hada ku Sugan tahey taas oo Siweyn looga dareemayo Da,yarta iyo Ardeyda Wax ka barta Dugsiyadda kala duwan ee Magaalada marka laga tago Dugsiyadda hoose iyo Kuwa DHexe Waxa ka Furan Shan Dugsi Sare oo mid Walba ay Wax ka bartaan Ardey tira badan, oo soo Qaatey Waxabarashadoodii Dugsiyada Hoose Dhexe Waxaanay Ardeydaasi aasaas u Yihiin Nabedgalayada iyo Xasiloonida Gunta kasoo Tolantey,Waxna ka badeshay Xaalaad kasta oo ay Awal hore Tusaale ugu aheyd Laascaanood.

Ubaxaa Seeska u Dhigay Aasaaska Nolosha Caadiga ah ee Bulshada Laascaanood Waxa ay hadda Qeybo.kamid ahi dhameysanayaan,Qaar kalena Bilaw u yihiin kuwana badhtanka kaga jiraan Waxbarashada Dugsiyada Sare Maadaama ay Laascaanood kuyaalaan Shan Dugsi oo Waaweyn oo Waxbarshada Fasalada Dugsiyada Sare ah kuwaas oo kala ah Gate-Way,Muuse-Yuusuf,Ileys,iyo Dugsiga Boodhinka, Waxa kale oo kuyaala Afar Jaamacadood oo iyaguna Fursad u Noqdey in Aaney Culuuntii Jamaacadaha ee Dalal kale ay ugu baqooli jireen kaga maarmaan Waxaana kuyaala Afarta Jaamacadood ee Kala ah Nugaal-Universty,Golis-Universty,Sahal-Universty, iyo Ileys Universty.

Sikasta oo ay Tahey, Magaalada Laascaanood Waxa ay kaga Wacan tahey Magaalooyinka Waaweyn ee Ay hadda Wax lawadaagto ee Somaliland, Marka hore Sida ay uga Faa,ideysato Biyaha Roobka Xiliga Gugii oo Xaafad Waliba usameysatey, Barkad Weyn oo Gurigaa Joog ahaan Leeg taas oo Laga Cabo Ilaa Guga Dambe, iyo Ta labaad oo ah in Shacabku Dhaqan ahaan u ayidsan yihiin Isticmaalka Cunooyinka Midhaha ah ee Wadaniga ah Caanaha iyo Hilibka Xoolaha oo joogto Loo Isticmaalo iyagoo aan badhax laheyn, iyo Waliba Isirraaca Noloshii iyo Dhaqankii hore ee Dadka Soomaalida guud ahaanba.

Weriye Cabdiraxmaan Hiiraan, 

Laascaanood, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here