Laascaanood: Badhasaabka iyo Maayarka Oo Ka Hadlay Dilka Guddoomiyihii Komishanka

0
422

Laascaanood (HP): Maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ayaa ka hadlay dilka guddomiyihii komishanka doorashooyinka gobolka Sool marxuum C/laahi Laba-gole, oo xalay ay dabley hubaysani ku dileen magaaladda Laascaanood.

Waxaanay badhasaabka iyo maayarku tacsi u direen qoyskii, qarraabadda, ehelka, xubnaha komishanka iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, iyagoona ALLE SWT uga baryay inuu jannooyinkiisii ka waraabiyo marxuumka.

Badhasaabka Sool iyo maayarka Laascaanood oo maanta si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaaladda Laascaanood ayaa guud ahaanb bulshadda gobolka iyo ka degmadda Laascaanood ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dilka guddoomiyihii komishanka gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa si gaara u faray laamaha amaanka ee gobolka in ay si deg deg ah uga hawl galaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii ka danbaysay dalka marxuumka.

Sidoo kale maayarka Laascaanood ayaa isna ugu baaqay bulshadda magaaladda in ay si buuxda ula shaqeeyaan haayadaha amaanka, isla markaana ay dadweynuhu gacmaha isku qabsadaan sidii looga wada shaqayn lahaa amaanka.

 

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Badhasaabka iyo Maayarka:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here