Guri Caawa Ku Gubtay Magaalada Laascaanood iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
519

Laascaanood (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya gobolka Sool ayaa sheegaya in caawa uu Dab ka kacay guri ku yaalla magaaladda Laascaanood.

Ciidanka Damdemiska ee degmada Laascaanood ayaa la sheegay in ay bakhtiiyeen gurigaasi ku gubtay magaalada laascaanood.

Bulshadda degmadda laascaanood oo Ku barsarugsan wicitaanka lambarka dabdemiska Laascaanood ee 990 ayaa fududeeyey in Ciidanka Damdemisku wakhti horeba soo gaadheen guriga dabku ka kacay.

Ciidamadda Dab-demiska ayaa ku guulaystay in ay demiyaan Dabkaasi.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban oo lagu baahiyay barta Internet-ka ee ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo dhibaato ka soo gaadhay gurigaasi gubtay, marka laga reebo hanti badan oo ku gubatay gurigaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ay haayadaha amaanka ee gobolka Sool ka soo saareen waxa sababay iyo khaaraha ka dhashay gurigaasi gubtay.

LEAVE A REPLY