Laascaanood: Ciidamo Xoog Kula Wareegay Hutel Lagu Xardhay Calanka Soomaaliya

0
1645

Laascaanood (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay si xoog ah kula wareegeen hotel maanta laga furayey magaaladaasi.

Ciidamada ayaa markii ay xoog ku galeen hotelka xili ay socotay xaflada furitaankiisa, ayaa waxay isla markiiba dajiyeen calanka Soomaaliya oo hotelka sudhnaa iyo calamada wadamada Jabuuti, Kenya iyo Turkiga oo iyaguna ku lamaana.

Wararka aanu ka helayno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Somaliland  ay xabsiga u taxaabeen Mulkiilayaashii hotelkaasi, oo ku sugnaa xaflada furitaanka.

Waxa sidoo kale Ciidamadu xabsiga dhigeen wariyayaal ka qeyb galay xafladaasi furitaanka Hotelka oo iyagu ka qeyb ahaa soo tebinta xafladaasi, iyadoona ay goobta ka carareen dad badan oo ku sugnaa munaasibada furitaanka Hotelkaasi.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa si adag uga biyo diidanaa calanka Soomaaliya ee la sudhay hotelkan cusub, midaasi oo dhalisay in ay khal-khal galiyaan xaflada furitaanka Hotelka, isla markaana xabsiga u taxaaban mulkiilayaashiisa.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee gobolka Sool iyo xukuumada Somaliland oo ku aadan arintan ay maanta ka fuliyeen ciidamadu hotelka cusub ee laga daahfurayey magaalada Laascaanood.

Wixii warara ee ka soo kordha kala soco Shabakada Hargeisa Press.

Hargeisa Press Desk/ Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here