Laascaanood: Booliska oo Soo Bandhigay Hub iyo Mindiyo Ay Qabteen

0
915

Laascaanood (HargeisaPress)- Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa xalay kormeer kedis ah ku tegay saldhigyadda booliska iyo suuqyadda magaaladaasi.

Kormeerkaasi ayuu sidoo kale badhasaabku ku soo maray suuqyadda iyo waddooyinka magaaladaasi oo ay ciidamadu ka fulinayeen hawl gallo ay ku baadhayeen baabuurta dadweynaha.

“Waxaan caawa kormeer kadisa ku tegay, saldhigyada Booliiska iyo suuqyada magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa u kuur-gelidda iyo adkaynta nabad geliyada.

Xilligan ay soo fool leeyihiin doorashooyinku, waa muhiim adkaynta nabadda iyo xasilloonidu” ayuu ku yidhi badhasaabka Sool qoraal uu arrintaasi kaga hadlay.

Guddoomiyaha ayaa u mahad celiyay saraakiisha iyo ciidamadda booliska iyo milateriga ee magaaladaasi.

“Waxaan u mahad-cellinayaa dhammaan ciidamada booliiska, ciidanka qaranka iyo talisyadooda oo mar kasta u taagan sugidda nabad-gelyada.

Shacabka ayaan iyana ku ammaanayaa, la shaqayntooda laamaha ammaanka, tasoo sababtay camirnnaansha, horumarka ay maalin iyo habeen-ba ay ku naalloonayaan”.

Geesta kale, C/qani Jiidhe, waxa uu fariin u diray bulshadda gobolkaasi gaar ahaana murashaxiinta doorashooyinka oo ay xafladahooda isugu yimaadaan dad weyne fara badan.

Waxaanu yidhi, “Gobolka waxaa ku sugan murashaxiin iyo asxaabta xisbiyada qaranka. Waxaanan ku boorinayaa ilaalinta shuuradaha doorashooyinka iyo
ku baraarugsannaanta hilista saf-marka Covid-19-ka”.

Dhinaca kale, wararka maanta naga soo gaadhaya magaaladda Laascaanood ayaa sheegay in booliska gobolka Sool ay soo bandhigeen hub isugu jira Baaskoolado,Toorayo, Mindiyo iyo Sameecadaha lagu xidho Bajaajta.

Waxyaabahaasi ayay boolisku ku soo qabteen hawl gallo ay magaaladda Laascaanood ka sameeyeen maalmihii ina dhaafay.

Booliska ayaa sheegay inay bilaabeen hawl gal ka dhan ah falalka liddiga ku ah amniga gobolka.

LEAVE A REPLY