Kulmiye Oo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Maamulka Xarunta Xisbiga

0
1402
Xisbiga KULMIYE

Hargeysa,(HargeisaPress) —Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf ayaa Caydaruus Aadan Garwaf u magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee maamulka xarunta guud ee xisbiga KULMIYE.

Xasan Siciid ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yidhi, “Markaan arkay muhiimada ay magacaabistani u leedahay habsami u socodka hawlaha shaqo iyo abaabulka xisbiga KULMIYE. Markaan ku qancay kartidiisa, waayo aragnimadiisa uu u leeyahay hanaanka maamul ee xisbinimo isagoo ka mid ahaa dhallinyaradii ugu firfircoonaa xisbiga KULMIYE. Markaan arkay baahida uu xafiiska xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE u qabo, waxaan laga bilaabo 01/08/2017 u magacaabay Caydaruus Aadan Garwaf inuu ahaado agaasimaha guud ee xarunta xisbiga KULMIYE.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY