KULMIYE oo Guddiga Diiwaangelinta Ururrada U Gudbiyey Shuruudihii Looga Baahnaa

0
780

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ee haya talada Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey Guddiga Diiwaanwelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka dhokomentiga iyo shuruudaha uu ku jawaajibiyey Xeer 14/2011 saddexdii xisbi ee hore u jiray si ay fursad ugu helaan inay ka qaybgalaan tartanka doorashada ururrada siyaasadda iyo axsaabta ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto, si ay uga soo dhex baxaan saddex xisbi siyaasadeed oo ku tartami doona doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Madaxda sarsare ee xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Guddoomiye ku-xigeenka 4aad, ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Xoghayaha Guud ee xisbiga, Faysal Cabdiraxmaan Madar, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye) iyo, Cabdikariin Axmed Maxamed oo ka tirsan Guddiga Fulinta xisbiga, ahna Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, ayaa booqday xarunta Xafiiska Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, halkaas oo ay ku gudbiyeen dhokomenti ka kooban shuruudaha uu Xeer 14/2011 farayo xisbiyada siyaasadda ee hore u jiray inay xilligan gudbiyaan si ay uga mid noqdaan tartamayaasha doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka.

Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE waxay halkaasi ku siiyeen Guddoomiyaha iyo xubno ka mid ah Guddiga Diiwaangelinta faahfaahin la xidhiidha qoraallada kala duwan ee ay soo gudbiyeen, iyagoo xusay in sababta ay tallaabadan u qaadeen tahay u hoggaansanaanta amarkii Guddigu u soo gudbisay iyo ilaalinta iyo ku dhaqanka shuruucda dalka u taala.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka Mudane, Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle), ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyey madaxda xisbiga KULMIYE ee soo gudbisay shuruudihii looga baahnaa, waxaannu tilmaamay in arrintani jidka u sii xaadhayso hirgelinta qabashada doorashada ururrada iyo xisbiyada siyaasadda ee dalka.

LEAVE A REPLY