Kullankii Wasiirada iyo Odayaasha Reer Gabiley Oo Galay Maalintiisii Labaad Iyo Shirkaasi Oo La Isla Qaatay Go’aano Hor-Dhac.

0
1009

news logo HPGabiley, (HargeisaPress) — Kullankii ay Labadii Habeen ee ugu danbeeyey ay la lahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Warshadaha iyo Ganacsiga Somaliland Muj Abiib Diiriye Nuur iyo Dr Muuse Qaasim, Oday-dhaqameedka Gobolka Gabiley ayaa Caawa abaaro 1:30 am Ku soo dhamaaday Waji Is Af-garad, ka dib markii Labada dhinac ay isla qaateen in laga wada shaqeeyo Adkaynta Nabad-galyada, iyo ka fogaanshaha wax kasta oo Kicin kara Shacabka reer Gabiley.
Kullankani ay Wasiiradu la yeesheen Madaxda Dhaqanka oo la xidhiidhay Xal u hellida Kacdoonadii sababay Khasaaraha Naf iyo Maalba ee Shacabka reer Gabiley kaga gadoodeen Dilkii Labadii Sarkaal ee ka tirsanaa Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee Fadhiisinkoodu ahaa Duleedka Degmada Qurri-Lugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle, ayaa Odayaasha reer Gabiley kula gar-naqsanayeen Xubnaha Wasiirada ah ee Magaalada u jooga Labada Habeen daminta Xiisadani, kaasi oo ay ku soo ban-dhigeen badheedhahooda ahaa in Xukuumadu ka gaabisay doorkii ay ka mudnaayeen Saraakiishaasi ku halligmay Gacanta ka gar-darani,
Waxaanay si cad ugu bandhigeen Dhacdooyinka noocan oo kale ahi si joogto ah ugu soo noq-noqotay, Shacbi-waynaha reer Gabiley, isla markaana aanay kala kulmin Dawlada/dhexe Tacsidii iyo Tiiraanyadii laga filayey, iyaga oo dhinaca kalena Carrabaabay in ay Dilka Saraakiisha lagu dhex dilay Xerada Ciidanka gudaheeda ay kaga sii cuslaatay gacan-ku-dhigis la’aanta Gacan-ku-dhiiglihii gaystay Falkaa Dilka ah, Isaga oo ku dhex fuliyey Xero-ciidan dhexdeed, waxaanay tilmaameen in arrimahaasi noqdeen Bud-dhiga Mudaharaadkii socday Min subaxnimadii Jimcihii ilaa Maqrib ku dhawaadkii gallinkii danbe ee isla Yoomkaasi.
Xubnaha Waftiga Wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Dr Muuse Qaasim iyo Muj: Abiib Diiriye Nuur oo Iyagu wax badan ka garwaaqsaday Odayaasha Dhaqanka isla markaana uga garaabay ayaa ku war-galiyey in ay si wayn uga tiiraanyeysan yihiin dhacdadaa foosha xun ee lagula kacay Labada Sarkaal ee Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaanay farta ugu fiiqeen in Labadaasi Sarkaal aanay ka dhimanin oo kaliya Shacabka reer Gabiley iyo reer Awdal. hasayeeshe, ay ka dhinteen guud ahaan Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Iyaga oo hoosta uga xariiqay in ay Iyagu(Wasiiadu) yihiin kuwa ku garbo waayay, maadaama ay Marxuumiinta iyo Iyaguba(Wasiiradu) wada ahaayeen Mas’uuliyiinta loo wada tirinayey Gobolka. Waxaanay Wasiiradu u xaqiijiyeen Odayaasha in ay Maanta uga damqasho badan yihiin Labadaasi Marxuum. Iyaga oo gaba-gabadiina ballan ugu qaaday in ay Ka Xukuumad ahaan ka hawl-gali doonaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Gacan-ku-dhiiglihii gaystay Dilka Labada Sarkaal.
Gaba-gabadii Xubnaha Wasiirada iyo Odayaashu waxay isla qaateen in Nabad-galyada la adkeeyo, in wada-jir looga wada Hawl-galo sidii looga hor-tagi lahaa wax kasta oo sababaya khal-khal gallinta iyo Rabshad-abuurista, iyo waliba In ay Wada-jir u gudo-gali doonaan Wajiga Labaad ee Wada hadalka.
Geesta kale Xubnaha Waftiga Wasiirada ahi waxay Kormeer iyo indho-indhayn ku tageen Gallinkii hore ee Maanta Cusbitaalka guud ee Magaalada oo ay ku jiraan Sideed Qof oo Dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen Mudaharaadkii Shacabka Reer Gabiley ka dhigeen Magaalada, Iyada oo Wasiirka Wasaarada Warshaduhu gaadhsiiyey Deeq Lacageed Dadkii dhibtu ka soo gaadhay Rasaastii Ciidanka Booliisku ku fureen Shacabka Reer Gabiley.

 

Caydarous Qadiye, Gabiley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here