Kulankii maanta ee Xarunta Baarlamanka Midowga Yurub. Brussels. Belgium + SAWIRRO

0
1464
Amb. Keysar Cabdillaahi Maxamed- Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaha qorsheynta iyo arrimaha dibeda

Brussels — Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Xasan oo ku magac dheeraa “Cali-marreexaan” oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Brussels ayaa maanta booqday Xarunta Baarlamanka Midowga Yurub, waxaana uu la kulmay Xubno ka tirsan Baarlamanka Yurub oo si xoog leh inoogala shaqeeya Arrimaha Aqoonsiga iyo Horumarinta Somaliland.

Waxaa Farxad gaar ah ii ahayd in Mudane Cali Marreexaan uu goob joog ka noqdo soo saarista Buug ka hadlaya Sida uu Midowga Yurub ula macaamili lahaa una Waajihi lahaa Arrimaha Siyaasada Aqoonsiga Caalamiga ah. Buuggan oo si qoto dheer loogu qoray Warbixin ka hadlaysa Taariikhda iyo Qadiyada Somaliland . Mudane Cali Marreexaan waxa uu Xubnaha Baarlamanka uga mahad celiyay Taageerada ay siiyaan Somaliland waxaana uu ka codsaday inay sii wadaan taageeradaasi.

In Qadiyada Somaliland lagu daabaco buugaas, isla markaasna ay kordhaan Saaxiibada Somaliland ay ku leedahay Baarlamanka Yurub waxay ku timi dedaal dheer oo ay Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ay ka waday Muddooyinkii u danbeeyay Xarunta Midowga yurub ee Brussels.

Kaysar Maxamed

Somaliland ha Guulaysto

LEAVE A REPLY