Kulan Saddex Geesood Ah Oo Qasriga Madaxtooyada Ka Dhacay + Cidda Uu Dhex Maray,Qodobada Laga Dooday Iyo Natiijada Kasoo Baxday

0
1411

Hargeysa, (HargeisaPress) — Kulan Saddex Geesood ah ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Somaliland ku dhex maray xubno kamid ah golaha wasiiradda xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran iyo waliba ururada Bulshada,waxaana kulankaasi lagaga dooday Xuska 18 May ee sanadkan oo la joojiyey iyo gurmadka abaaraha saameyey dad iyo duunyaba.

Kulankaa saddex geesoodka ah oo lagu lafo guray sidii laysaga kaashan lahaa shacbi iyo xukuumadba laysuna waafajin lahaa sanad guurada 27aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland Madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ku beegan 18-May-1991-kii, oo wakhtigan oo kalena laga xuso guud ahaan Somaliland iyo meel kasta oo ay joogaan muwaadiniinta reer Somaliland, balse sanadkan uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isagoo ka dareen celinaya xaaladda dalku ku sugan yahay ee abaarta baahsan awgeed uu amray in loo bedelo mid qadhaan ururin ah oo dalka gudihiisa iyo dibediisaba xil weyna la iska saaro sidii loo samato bixin lahaa dadka abaartu saamaysay ee harraadka iyo gaajadu halleeleen, xoolihiina ay ka dhammaadeen.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here