Kulan Lagu Falan Qaynayay Qurxinta Bilicda Caaaimadda Hargaysa

0
477

Hargaysa (HP): Kulan lagu faaqidayay qorshaha kor u qaadista bilicda caasimadda Somaliland ee mustaqbalka ayaa lagu la soo xidhay magaaladda Hargaysa.
Mashruucani oo soo socday muddo laba sanadood ah ayaa lagu dejinayaa qaabka uu noqon doono muuqaalka bilicda caasimadda Hargaysa sanadaha soo socda.


Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay guddoomiyeyaasha degmooyinka caasimadda Hargaysa iyo waaxda horumarinta caasimadda ee dawladda hoose ee Hargaysa.
Barnaamijkani ayaa ah Hiigsiga qaabka ay u ekaan doonto caasimadda Hargaysa mustaqbalka fog oo lagu sar gooyay sanadkan 2044-ka.


Sidoo kale waxaa qorshahani ka qayb qaadanayay, isla markaana fikirkoodda ku darsanaayay aqoon yahano ka socday jaamacadaha dalka.
Geesta kale intii kulankaasi uu socday ayaa lagu dersay waxyaabaha ka hirgalay dhinaca maamul daadejinta dawladda hoose ee Hargaysa.


Kaasoo ay ka mid yihiin dhinacyadda waxbarashadda dugsiyadda hoose, xarumaha caafimaadka iyo biyaha.
Sida uu sheegay agaasimaha waaxda bilicda iyo nadaafadda ee dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa Khadar Yuusuf Cali.
Waxaanu tilmaamay in ay qalabayn iyo dib u habayn ku sameeyeen dusgiyo kala duwan oo caasimadda ku yaalla iyo sidoo kale in ay horumarin ku sameeyeen xarumo caafimaad.

Daawo: Hadaladii Laga Jeediyay Xidhitaanka Kulankaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY