Kulan Lagu Dar-dargelinayay Xeerka Saxaafadda Somaliland Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
741

Hargaysa (HP): Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta magaaladda Hargaysa ku qabtay kulan lagu dersayay lagu na dar-dar gelinayay wax ka bedelka xeerka saxaafadda Somaliland.


Kulan hawleedkaasi oo ahaa mid hal maalin socday ayaa daba socday dhawr kulan oo hore loo soo qabtay, kuwaasoo lagu qiimaynayay wax ka bedel iyo dib u eegis la doonayo in xeerkaasi lagu sameeyo.

Waxaana kulanka manta ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).


Agaasimaha guud ee ururka SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi, masuuliyiin ka kala socday guddiga xaquuqal iinsaanka qaranka Somaliland iyo xafiiska garyqaanka guud ee qaranka, suxufiyiin iyo xubno ka socday ururadda iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha saxaafadda.


Wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, ayaa furitaanka kulan hawleedkaasi ka cadeeyay in uu ku dedaalayo in xeerka saxaafadda la ansixiyo mudadda uu xilka wasaaradda hayo.


“Waan jecel nahay xeerku in uu socdo. Inagu na inta aan joogo wasaaradda warfaafinta, ayaan weli ba jeclahay in la meel mariyo, oo ay noqonaysaa qayb ka mida inta aan joogo in la ansixiyo, sharaf bay ii tahay”ayuu yidhi wasiir Koore.


Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa wasiirka warfaafinta ku booriyay in uu dabadda ka riixo sidii xeerkaasi loo ansixin lahaa.

Waxaanu sheegay in haddii la meel mariyo xeerka saxaafadda in uu wax badan ka qaban tari doono dhibaatadda ka taagan xoriyatulqawlka iyo madax banaanidda saxaafadda.


Xuuto oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Maadaama oo kulankan maanta u jeedadiisu tahay, xeerkii in la meel mariyo, oo aad dabadda ka riixdo wasiir.

Waxaan qabnaa wasaaradda, suxufiyiinta, iyo qaranka ba, haddii la meel mariyo xeerkaasi, in dhibaatadda ka taagan xoriyatul-qawlka iyo madax banaanidda saxaafadda, ee maalin walba qaylo-dhaanteedu ay taagan tahay, in uu wax badan ka naaqusin karro”.

Geesta kale agaasimaha guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland Yaxye Maxamed Cabdi (Yaxye-xanas), oo furitaankii kulan hawleedkaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in u jeedadda kulankaasi ay tahay sidii loo dar-dar gelin lahaa wax ka bedelka xeerka saxaafadda.

Si ay saxaafadda Somaliland u hesho xeer damaanad qaadaya xoriyadda iyo xaqa suxufiga. Waxaanu yidhi, “Kulan hawleedkani oo ah mid hal maalin ah.

Waxaanu isugu yeedhnay daneeyeyaasha oo meello kala duwan ka socda, si ay iskaga xog waraystaan, oo ay u dar-dar geliyaan dhaqaajinta xeerka saxaafadda, oo muddooyinka danbe hakad galay.

Taasoo hor seedaysa in saxaafadda Somaliland ay hesho xeer damaanad qaada xoriyadeedda, ilaaliya-na xaq uu leeyahay suxufigu”.

Mustafe Sacad Dhinbiil, oo xubin ka ah dalladda SONSAF, isla markaana ka shaqeeya arrimaha saxaafadda oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wakhtigan baahi weyn loo qabo in la hello xeerka saxaafadda.

“Baahi xeer baa runtii jirta. Baahidaasi mudaba way haysatay dalka. Laakiin, maalin ba maalinta ka danbaysa ayay sii xoogaysanaysaa.

Xeerka waxa u baahan suxufiga, waxaa u baahan qof kastoo muwaaidn ah. Xoriyadda hadalku, waa xoriyad dadka ka dhaxaysa” ayuu yidhi Mustafe Sacad.

Sidoo kale waxaa kulan hawleedkaasi hadalo ka jeediyay xubno ka kala socday komishan xuquuqal iinsaanka qaranka iyo xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka, kuwaasoo ka midaysnaa baahida loo qabo in la meel mariyo xeerka saxaafadda Somaliland.

Dhinaca kale xeerka saxaafadda Somaliland ee Xeer No. 27/2004 ayaa sanadkii 2004-tii ay ansixiyeen golihii Wakiiladda ee xiligaasi, hase yeeshee waxaa jirtay in qodobo ku jira xeerkaasi ay cabasho ka muujiyeen warbaahinta madaxa banana.

Taasoo keentay in dib u eegis iyo wax ka bedel lagu sameeyo xeerkaasi. Iyadoo xeerka saxaafadda Somaliland uu soo maray jaran-jarooyin dhawr ah iyo kulamo kala duwan oo dhawr jeer hore loo soo qabtay iyo dib u eegiso.

Inkastoo xeerkaasi uu ku danbeeyay gacanta dawladda gaar ahaana wasaaradda warfaafinta. Sida uu sheegay sarkaal ka socday xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka oo kulanka manta hadal ka jeediyay.

Masuulkaasi ayaa xusay in xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka waajibaadyadiisa uu

qaran uga masuulka yahay ay ka mid tahay in uu xukuumadda kala shaqeeyo arrimaha xeerarka.

Xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka ayaa wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland kula heshiiyay in ka hor inta aan xeerka saxaafadda la hor gaynin golaha wasiirrada la hor keeno xafiiska garyqaanka guud.

Iyadoo sidoo kale na hogaanka SOLJA iyo xafiiska garyaqaanka guud ay isla qaateen in la qabto hal kulan oo kale oo dib loogu eegayo xeerka saxaafadda.

Masuulka ka socday xafiiska garyqaanka guud ayaa carabka ku dhuftay in ay ka rejaynayaan wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta in uu waraaq rasmi ah iyo xeerkii oo wada socda u gudbiyo xafiiska qaryaqaanka guud, si ay iskula eegaan.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY