Wasaaradda Macdanta Oo Qabatay Kulan Lagaga Tashanayo Yaraynta Khataraha Korontadda

0
449

Hargaysa (HP): Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa qabatay kulan  lagaga wada tashanayo sidii looga  faa’iidaysan lahaa mashruuc la xidhiidha yaraynta Khataraha addeegyadda korontada iyo bad-baadinta deegaanka.

Kulankaasi oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa ayay ujeedadiisu tahay sidii wada tashi looga yeellan lahaa dib u habaynta iyo hirgelinta addeeg koronto oo leh bad-qab iyo koobis baahiyeed.

Kaasoo qayb ka ah mashruuca soo kabashada Aaga Korontada Somaliland oo ay waddo wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, oo ay ka gacan siinayaan Baanka Adduunka  iyo Komishanka Korantada Qaranka ee Somaliland.

Maal-gelinta mashruucani ayaa xoogga saari doona sidii shirkaddaha bixiya addeegyada Korontada looga gacan siin lahaa balaadhinta qaybinta Korontada.

Sidoo kalena addeeg koronto oo ku filan lagu gaadhsiin lahaa goobaha waxbarashada, Caafimaadka iyo xafiisyaha Biyaha, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal, oo hadal ka jeediyay kulankaasi.

Wasiir Cigaal ayaa ka waramay faa’iidooyinka uu mashruucan leeyahay, isagoona xusay in muhiimadda laga leeyahay ay tahay sidii loo heli lahaa addeeg koronto oo ku jaan-go’an hab-nololeedka bulsho iyo dhaqan-dhaqaale.

Wasiirka oo ka hadlayay u jeedadda mashruucaasi, waxa uu yidhi, “Waa mashruuc loogu tallo galay ina lagaga soo kabto dhinaca Korontadda. Xukumaddu iyadoo ka duulaysa waxay dedaal dheer u gashay sidii Somaaliland loo keeni lahaa”.

Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa u mahad-naqay Baanka Adduunka oo mashruucan maal-gelinaya, waxaanu ka soo qaybgaleyaasha kula dar-daarmay inay si hagar la’aan uga qayb-qaataan wada-tashiga lagu gorfeynayo ka faa’iidaysiga mashruucan iyo yaraynta Khataraha korontada.

Kulankaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka Macdanta iyo Tamarta, agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha Arrimaha bulshadda, Cadaalada iyo wasaaradda Deegaanka, guddoomiyaha Komishanka Korontada qaranka.

Xubno ka socday ururka shirkaddaha korontada bixiya ee ka hawl galla Somaliland, madaxda waaxyaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, iyo sharci-yaqaano.

Guddoomiyaha Komishanka Tamarta qaranka Axmed Faarax Cadare, ayaa soo dhaweeyey mashruucani, waxaanu tilmaamay inuu noqon doono mid faaa’iidooyin badan ay ka heli doonyo bulshadu.

Waxaanu balan qaaday inay ka Komishan ahaan doorka kaga aaddan si buuxda gacan uga gaysanayaan, isla markaana ay  wasaaradda ku garab istaagi doonaan sidii looga midho-dhalin lahaa.

“Korontadu waa Iftiinka adduunka. Caalamkuna wuxuu u socdaa sidii Korontadda looga dhalin lahaa waxyaabaha dabeeciga ah, sida Cad-ceedda.

Wada-tashiga waxaa loo baahan yahay inay inooga soo baxaan wax ummada wada anfaca oo maskaxda la tuujiyo” ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka tamartu.

Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta C/naasir Axmed Xirsi, ayaa sheegay in mashruucani wax ka tarayo yaraynta dhibaatada deegaanka uu ku hayo Wasakhowga ka dhasha qalabka ay isticmaalaan shirkaddaha Korontadu.

Waxaanu ka warbixiyay siyaabaha looga faa’iidaysto tamarraha aan dhibaatadda ku keenaynin deegaanka iyo sidoo kale waxa laga filan karro in mashruucani uu ka taro deegaanka.

Waxaanu yidhi, “Sida dunida kale Koronteena waxa soo aasaasay shirkaddaha gaarka loo leeyahay. Koronteena waxaa laga dhaliyaa Shiidaal, taasina waxay Hawada ku sii daysaa Wasakh badan.

Markaa waxyaabaha ay sababtay waxaa ka mida isbedelka cimillada. Beryahan danbe adduunku wuxuu aad ugu wareegayaa Tamarta cimilada la saaxiibka ah, sidaasi awgeed mashruucani wuxuu wax ka tarayaa bad-baadinta deegaanka”.

Dhinaca kale, ururka shirkadaha bixiya addeegyadda korontadda ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay mashruucani, isla markaana uu gacan ka siinayo shirkaddaha balaadhinta dedaalka ay ugu jiraan sidii dadweynaha looga haqab-tiri lahaa tamarta Korontada.

 

Sida uu sheegay xoghayaha ururka Shirkaddaha Korontada Maxamed Cabdiraxmaan Faarax,  oo hadal ka jeediyey kulankaasi.

Waxaanu yidhi, “Markii u dambeeyey shirkadduhu waxay maalgelin ku sameeyeen Sollar. Solar-kuna ma wada dabooli karo baahiyaha oo dhan. Waxaana runtii loo baahan yahay in mashruucani gacan naga siiyo”.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here